Dawlada France “Waan ka qayb qaadanaynaa Ladagaalanka Al-Shabaab”
Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in dawlada Faransiiska ay ka qayb qaadanayso ladagaalanka Al-Shabaab sida ay sheegeen Diplomasiyiin sare oo ka tirsan dowladda Faransiiska oo ku sugan magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen inay ku beerayaan la dagaalanka iyo baacsiga Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.
Diplomasiyiin ayaa waxaa ay sheegeen inay u dareen Xeebaha dalka Soomaaliya Maraakiib dagaal kuwaasi oo ay shegeen in loogu talagalay in ay duqeymo xooggan ka fuliyaan magaayooyinka Xeebta ku taalo oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.
Afhayeenka Ciidamada Militariga dalka Kenya Maj. Emmanuel Chirchir ayaa waxa uu xajiijiyay in dowladda Faransiiska ay doonayso la dagaalanka Al Shabaab oo uu sheegay in arintaasi ay si wayn u soo dhawaynayaan.
Inta badan dawlada Faransiisku waxay weeraro circa ah ku qadaa meelaha ay doonayso inay hawlgalka Milatary ay ku samaynayso iyadoo manta ku dhawaaqday in ay ka qayb qaadanayso ladagaalanka Al-shabab ay ciidamada Kenya kula jiraan,taasina waxay noqonaysa markii ugu horaysay ee ay dulaan kusoo qadayaan Somaaliya.
Maakhir Media Nairobi
