|

Raila Odinga “Anagaa Duqaynay Kismaanyo waana Sii wadaynaa Dagaalka Al-Shabab kula jirno

Ra’iisul wasaaraha dowladda  Kenya Rayla Odinga ayaa waxa uu sheegay inay weeraro dhanka cirka ah ku qaadeen magaala xeebeedka Kismaayo kaasi oo uu sheegay inay ku baacsanayeen Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ku sugan halkaasi.

Mr Odinga ayaa waxa uu sheegay in weeraradaan ay ku qaadeen magaalada Kismaayo ay ka caawiyeen qaar ka mid ah wadamada Reer galbeedka, waxaana uu sheegay inay sii wadayaan la dagaalanka Al Shabaab oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan amaanka geeska Afrika.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa waxa ay sheegeen in weeraradaan ay la eegteen goob ay ku sugnaayeen saraakiil Ajinabi ah oo ka tirsan Al Shabaab, iyagoo tilmaamay in qasaaro ay kasoo gaareen duqeymahaasi.

Tani waxay noqonaysaa markii ugu  horaysay oo ay ciidamo Kenya ah duqeeyeen magaalada kismaanyo

M,aakhir Media Kenya

Comments are closed