|

Faroole: P/land waa IIB (For Sale)

Garoowe(MMedia) Madaxweynaha Maamul goboleedka P/land Mr Faroole ayaa Saylada kala iibsiga Maamulada soo bandhigay Maamul Goboleedka P/land ka dib markii uu ku dhawaaqay in Ciidamada Amisom la keeni karo P/land  waxaana go,aankaas u laqimay ninka Tansaaniyaanka ah ee sida dadban u Maamula Soomaaliya Mr Mahiga talabadaas oo uu kaga dhawaaqay Magaalada London Xaflad soo dhaweyna oo loogu sameeyay.

Hadaba Maamul Goboleedka P/land waa Maamul u samaysan Qaab dowladeed waxaanu lee yahay Golaha Fulinta(Wasiirada)  Iyo Golaha Sharci dejinta(Baarlamaanka) waxa kale oo sid dadban uga howl gala Golaha Isimada oo inta badan howshoodu ku eeg tahay inay xaliyaan arimaha Nabadgelyada waxaanay qayb waliba ku eeg tahay howsha loo Igmaday.

Maamul; Goboleedka P/land waxa la aas aasay 1998 waxaana isaga danbeeyay Sadex Madaxweyne waxaana mid walba lagu xasuustaa wixii uu kharibay iyo wixii uu wanaajiyayba waxaana ugu khasare badnaa kan hada xilka haya oo aan ku iman rabitaanka shacabka P/land waayo waxay dadku xasuusnaayee wakhtigii uu baarlamaanka P/land weeraray markii xilkii wasiirnimo laga qaaday waxaana meesha keentay dhaqaale badan oo uu ku iibsaday codadkii baarlamaanka kuwaasoo aan qiimayn qofka xilka lkagu aaminayo laakiin ka doorbiday dhaqaalaha jeebkooda kusoo dhacay.

Intii uu xilka hayay Faroole waxa Maamulka P/land ka dhacay Dilal qorshaysan oo lala beegsanayay kuwo xil ka haya Maamulkiisa,Aqoonyahano.Isimo iyo weliba Ganacsato aad u badan waxaa intaa dheeraa Dagaalo sokeeyo oo ragaadiayay amaankii Maamulka waxa kale oo uu weeraray deegaano ka tirsan Maamulka P/land kuwasoo uu ku sheegay inay yihiin argagaxiso waana Madaxwenihii ugu horeeyay ee dadkiisa ku sheega inay yihiin Argagagxiso.

Faroole maaha nin u dhashay Hal adaygnimo mararka ay la soo daristo Mucaaradad adigana waa uu caban yahay waxaanu aflagaadeeya cida uu u tuhmayo inay mucaaradayso malaha go,aan qaadasho mug leh

Waxayse iswaydiintu tahay hadii Ciidamo la keenayo yaa awoodaas iska leh? Waxa Awooda iska leh Golaha Shrci dejinta oo ah Baarlamaanka wxa la ogsoon yahay inaan Baarlamaanka P/land loo soo bandhigin qorshaha Ciidamada p/land lagu keenayo laakiinse ay ku eeg tahay Faroole xataa golihiisa Wasiirada looma sheegin waana qorshe u gaara Faroole oo ka dhaxeeya isaga iyo Mahaiga waxaana laga dhaadhiciyay in uu noqon doona Madaxweynaha Bedeli doona Sh. Shariif waxaana laga iibsaday in Ciidamo la geeyo P/land isagoon aan ka fekerin Masiirka Uamda uu u keenayo Ciidamda ayuu u saxeexay waxa kale oo la yaab noqotay inuu iska indha tirayba Baarlamaankii howshan loo igmadayba waxaanad mooda kalsooniada uu qabi inay wax isku og yihiin

Madaxweyne Faroole waxa uu hadhcad iibsaday Maamulkii P/land oo markiisii hore isaguba uu iibsaday inuu madaxweyne ka noqodo iminkana waxa uu ka iibiyay Mahiga isagoo uga ag dhawaanaya in Madaxweyne Soomaaliyeed laga dhigo waxayse iswaydiinta tahay maxay yihiin dadka marba masiirkoodii inta shandad lagu qaato cidii la doono laga iibinayo mase keeni kartaa Ciidamdaas loo soo wado P/land inay ka Abuurmaan alshabaab hor leh oo ka dhex dhashay nacaybka loo qabo Amisom oo la og yahay waxay hada ku hayaan shacabkii Koonfureed waxa kale oo dhawaan laga yabaa inay so baxdo mucaaradad aad u wayn taasoo laga yaabo inay soo gaba gabayso jiritaankiisa madaxweyne ama Maamulka P/land marka Beeluhu isugu yimaadaan shirar ay kaga arinsanayaan Ciidamada Faroole ku dhawaaqay in la keeno P/land iyo deegaanada la dejinayobo

Waxanay hada xaalada u eg tahay inuu Faroole ciyaarayo game ah ku day haday kuu martana waa sidaan la rabay hadii kale P/land ha la waayo oo yaanay iga danbayn ilayn waan ogahay inaan mar danbe cidi idooranayane waana sababta uu u xaraashayo Maamulkii loo Igmaday.

Waxaynu dhowrnaaba waa Beelihii dhidibada u taagay P/land waxa ay ka yeelaan Go,aankaas faroole keligiis qaatay isagoon kala tashan Golihiisa Wasiirada,Baarlamaanka, Isimada. Aqoonyahanada Iyo qayb kala duwan ee Bulshada.

Maakhir Media Garoowe

 

 

Comments are closed