Mubaarak oo oohin La Suuxay Ka Dib Markii Maqlay dhimashadii Qadaafi
Kuwait(MMedia) Wararka ka imanaya wadanka masar ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynihii hore ee xukunka laga tuuray Mr Maxamed Xusni Mubarak oo ay beryahanba maxkamadi ku socotey isaga oo sariir yaal ah in ay xaaladiisii caafimaad ka sii dartay ka dib markii uu maqlay geeridii Mucamar Al Qadaafi Hogaamiyihii Towradda Liibiya ee isagana qudha laga jaray Khamiistii la soo dhaafay.
Mubaarak ayaa daawaday sawirro naxdin leh oo laga soo qaaday qadaafi kuwaas oo sheegaya qaabkii loo dilay, dabadeed inta uu oohin la dhacay ayuu suuxay, waa sida ay soo werinayaan hawlwadeenada caafimaadka dhakhtarka uu jiifo Mubaarak.
Wararku wax ay intaa ku darayaan in oohinta mubaarak oo ahayd mid aad u qayla dheer ay sababi gaartay in wadnuhu is taago haddii aanay dhakhaatiirtu la gaadhin irbad dejisa xaaladiisa.
Ciidamada ilaalada ah ee gaadhka ka haya dhakhtarka uu yaallo mubaarak ayaa aad loo xoojiyey, isaga oo ay ku socotay maxkamad dembiyadii loo haystey ee ay ka mid ahayd in uu si kas ah u laayey ama amray layntooda dadkii banaan baxayey kacaankii 25 February ee ka dillaacay Masar bilowgii Sanadkan 2011.
Labadan hogaamiye oo sida dad badani aaminsanyihiin ay ka dhexaysey xidhiidh qota dheer oo xaga la dagaalanka islaamiyiinta ayaa labadaba waxa ay ku dambeeyeen masiir aanay filanayn.
Xigasho:
http://www.dostor.org/politics/egypt/11/october/22/58962
Qoraaga Wayne ee A/risaaq Ali Mohamed
Kuwait
