|

Man.City oo Dhul Gariir Ku Riday Man.United+Sawiro

London(MMedia) Ciyaar maalmahanba la sugayay ayaa dhexmartay labada kooxeed ee Man.Unite iyo Man.City waxaana lagu Ciyaaryay Garoonka wayn ee Old Traford ee Magaalada Manchaster waxaana ciyaartaas isha ku hayay dhamaan daawadayaasha Horyaalka ee Premier League

Hadaba ciyaartan aya ahayd mid xamaasadeed leh marka laga eego labada kooxood oo isku Magaalo ka dhisan waxaana usii dheer iyadoo koox waliba doonaysay inay qabato hogaanka Horyaalka oo ay u dhaxayso labo dhibcood oo ay ku hogaaminayso kooxda Man.City ee laga lee yahah Dalka UAE ciyaarta qaybteedii hore ayaa kooxda Man.City u suura gashay inay hesho Goolkoodii koowaad oo u dhaliyay weeraryahanka reer Italy Balotelli waxaana hal ciyaaryahan laga saaray Kooxda Man.United ka dib markii uu khalad ku galay Ciyaaryahanka Silva oo khadka dhexe uga ciyaara Man.City

Ciyaarta qaybteedii danbe ayaa Kooxda Man.United waxa ku dhacay Dhulgariir aanay filayn ka dib markii shan Gool laga dhaliyay waxaana  u kla saxeexay Balotalli,Aguero,Dzeko iyo Silva waxaana garoonka ka baxay tababarha wayn ee Alex Ferugson isagoo dhulka eeagaya aadna moodid in danbi wayn lagu helay waxaana garoonka damaashaad iyo farxad hadba meel isula guur guurayay Ciyaaryahanada Man.City iyo taageerayaashooda waxaanay tani cadaysay awooda Kooxda Man.city oo la sadaalinayay inay sanadkan ku guulaysan doonaan Premie  League

Tababarha Kooxda Man.City Mancini ayaa qosol la dhacay ka dib markii uu Goolkii lixaad uu saxeexay weeraryahanka reer Bosnia Dzeko isagoo u muqday inuu dhamaan bur burshay cududii Kooxada Ay isku magaalada yihiin xiliftankuna ka dhaxeeyo waxaana la tusiynayay inaanay hawaysan sanadkan wax la yiraahdo Koob

Guul daradan lasoo deristay Man.United ayaa la oran karaa waa mid wiiqaysa xowligiii ay ku socotay kooxdani oo aan marnaba dhinacooda dhulka la dhigin tan iyo markii uu bilowday Horyaalka Ingiriisku waxanay ku reebi doontaa xanuun aan mudooyinka ka bi,in SIDII KU DHACDAY Kooxdii Arsenal markii 8 Gool loogu awood sheegtay waxaana la odhan karaa dhul gariirkan ku dhacay Man.United waxa cowryay Kooxda Arsenal oo aad moodin inay kazoo kabanayaa Xanuunkii ay ku riday Kooxda Man.United oo maan dhulka six un loo jiiday

Maakhir Media London

Comments are closed