|

Jaaliyada Jabuuti ee ku dhaqan Somaliland oo shahaado Gudoonsiisay Wasiirada waxbarashada iyo W/Madaxtooyada Somaliland+SAWIRO

wWJaaliyada Jamhuuriyada jabuuti eek u dhaqan Somaliland ayaa xaflad ay manta ku qabteen Hotel samur time ee magaaalada Hargaysa taasi oo ay ugu tala galeen in ay shahaaado Sharaf  gudoonsiiyaan Wasiirka madaxtooyada Somaliland iyo wasiirka waxbarashada  sidii ay ugu hagar baxeen Mashaqadii ka dhacday dooxada Agabar oo dhawaan dad baabuur san daad ku qaaday   .

Shahaada gudoonsiintan jaaliyada jabuuti ay wadeen  ayaa ku saabsanayd sidii ay qayb libaaxle uga qaaateen uguna gurmadeen wasiirka madaxtooyada Xirsi xaaji xasan iyo wasiirka waxbarashada Samasama cabdi Aadan waxaa goob jog ka ahaa xaflada  Gudoomiyaha Jaaliyada Jabuuti  ee Somaliland Siciid Maxamed Doobiro Salaadin iyo Marti shaaraf kale ,balse aanay joogin labada wasiir eee shahadada la gudoonsiiyo ,iyadoo ay u gudoomayeen Salaadiinta ay labada masuul so wakiisheen.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyada jabuuti ee ku nool Somaliland Siciid Maxamed  Doobiro isagoo aad u amaanay masuuliyiinta dawlada Somaliland

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay suldaan Xiis bare oo aad u amaanay dadaalkii iyo hawl karnimadiii ay u qabteen walalahooda jabuuti ee dhawaan gaadiidkii ay la socdeen daad ku qaday deegaanka agabar  kaasi oo ay dad badani ku dhinteen.

Sidoo kale waxaa isna  ka hadlay goobta suldaan Jamac Cismaan Aadan isagoo sheegay in wax laga qabto wada u dhaxaysa Jabuuti iyo Somaliland ee Dawga cad in wax laga qabto loona Gurmado.

Dhawaana ayay ahayd markii ay mashaqo aad u naxdin badan ay ka dhacday deegaanka Agabar taasi oo ahayd laba gaadhi oo ay saarnaayeen dad ku socday jabuuti daad ku qaday dooxaaasi waxaana ku dhintay dad badan oo haween oo isugu jira hawenn caruur iyo Rag isla markaana ay ugur madeen labadan masuul ee manta ay jaaliyadu gudonsiisay shahaada sharafta iyo shacabka somaliland

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed