Siyaasi Jamac maxamed Qaalib ooo maanta Qado Shar loo sameeyay
Siyaasiga caanka ah ee Jamac maxamed Khaalib ayaa manta qada Sharaf loogu sameeyay Hotel Guleed ee magaaalada Hargaysa kaasi oo ay kazoo qayb galeen Ganacsato siyaasiin iyo Aqon yahano iyo Gudoomiyha Xisbiga Mucaaradka ee UCID En.Faysal cali waraabe, Xaaji cabdi xuseen xaaji cabdi waraabe.
Munaasabadan ayaa ahayd sidiii loogu sooo dhawayn lahaa Somaaliland siyaasiga ,iyadoo ay sidoo kale kawada hadleen waxyaabihii kala duwanaa intii uu kamaqnaa.
Siyaasi Jamaca maxamed Qaalib waxaa uu kamid ahaa siyaasinta Somaliland ku maqnaa dalka dibadiisa isagoo mudo Sanada ah aan kusoo laabadan Somaaliland .
Safarkan uu ku yimi Somaliland ayuu kaga soo kici timay dalka Kenya Gaar ahaa caasimada Nayrobi Isagoo in muda ah degenaa Caasimada Dalkaasi Ereteriya ee Asmara
Shalay ayuu kazoo degay Garoonka diyaaraduhu ka hadaan ee Cigaal International Air Port ee magaalada Hargaysa isagoo si wayn loosoo dhaweyay waxaana ka qayb qaatay soo dhawayntiisa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Faysal cali waraabe Madax dhaqameed Aqoon yahano iyo Shacab badan .
Maakhir media Hargaysa
