|

Qarax qasaaro gaystay oo Loo Gaystay Ciidamda Amisom ee Muqdisho

Muqdisho(MMedia) Kollonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa barqonimadii maanta waxaa qarax lagula eegtay kasoo horjeedka Isbitaalka Xoogga degmada Hodan ee gobolka Banaadir kaasi oo dadka deegaanka ay Warbaahinta u xaqiijiyeen. 

Qaraxa waxa dhaliyay oo ay warar kala duwan kasoo baxayaan ayaa wararku qaar waxa ay sheegayaan in uu yimid kadib markii miinada dhulka lagu aaso lala beegsaday gaadiidkaasi xilli ay marayeen afaafka hore ee Isbitaalkaasi halka warar kalena ay sheegayaan in qaraxa uu ka dambeeyay qof is soo miidaamiyay oo ku daba dhagay ama qabsaday mid ka mid ah gaadiidka AMISOM halkaasi marayay. 

Saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay in qaraxaasi uu ku geeriyooday ruuxii ismiidaamiyay ayna ku dhaawacmeen 3-kale oo haween ah kuwaasi oo ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay. 

Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Nabad sugidda oo dhankooda hadlay ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaasi uu ahaa mid ismiidaamin ah, iyagoo tilmaamay in wax qasaaro ah uusan kasoo gaarin Ciidamada AMISOM ee marayay kasoo horjeedka Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho. 

Xarakada Al Shabaab oo iyana la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaha uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso, qasaaro aysan shaacina ay ku gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM. 

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay qaraxyada Ismiidaaminta ah ee ka dhacayay Magaalada Muqdisho tan iyo markii Al Shabaab ay ku dhawaaqeen xeelad dagaal oo ka dhan ah dowladda iyo AMISOM kadib markii ay isaga baxeen inta badan Muqdisho.

 Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed