|

Gawaarida Dagaalka ee DKMK Laga Qabsaday oo Alshabaab Soo Bandhigtay

Muqdisho(MMedia) Waxa Degmada Dayniile ee Magaalda Muqdisho lagu soo Bandhigay  Gawaari Dagaalka iyo Hub ay ka qabsadeen Ciidamda  Hadaba Ciidamda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay hub ay habeen hore kala wareegeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya kadib dagaal culus ay kula galeen Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaana waxa ay soo bandhigeen Gaari uu saaran yahay qorayga ay Soomaalidu u taqaan ZOO kaa oo ay habeen hore Dagaal culus kula wareegeen iyagoona inta badan dilay Ciidamadii gaarigaasi saarbnaa sidaan warar ku helan y.

Goobta Gaarigaan lagu soo bandhigay ayaa waxa aka hadlay Gudoomiayha Gobolka Banaadir ee Al-Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdu Raxmaan waxa uuna sheegay in ay gaarigaasi kasoo furtay Cadowgooda sida uu hadalka u dhigay.

waxaan weli lagu kala bixin dagaalka ka socda degmada Dayniile iyadoo ay ak socoto duqayn aan loo kala aaba yeelayn inkastoo Alshabaab ay gacanta ku hayaan weli suuqa dayniile hadana dagaalakani waa midaan fari ka qodanayn madaama labada dhinacee dirirtu dhexmarayso ay soo gaarayaan Gurmado ka kala imanaya Ceelsha Biyaha Iyo Muqdisho qaybaheeda kala duwan




 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed