Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Manchester Derby Ee Manchester United vs Manchester City
London(MMedia) Kooxda Manchester United ayaan heysan dhaawacyo cusub oo ay ka walwalaan- waxaa kaliya oo ka maqan ciyaaryahanka khadka dhexe Tom Cleverley iyo daafaca Rafael.
Wayne Rooney ayay u badan tahay in lagu soo bilaabi doono ka dib markii uu kursiga keydka ku bilowday kulankii Liverpool, halka Nemanja Vidic isna uu ku bilaaban doono.
Weeraryahanka City Mario Balotelli ayaa isna u badan tahay inuu ku soo laaban doono kooxda ka dib markii uu ganaax ku seegay kulankii Champions League.
Owen Hargreaves ayaa isna xaaladiisa la qiimeyn doonaa ka hor ciyaarta.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
Manchester United: De Gea - Smalling, Ferdinand, Vidic, Evra - Nani, Fletcher, Anderson, Young - Chicharito, Rooney
Manchester City: Hart - Richards, Kompany, Lescott, Clichy - Yaya Toure, Barry - Aguero, Silva, Nasri - Dzeko
FALANQEYNTA KULANKAN:
“Waa kulankii ugu weynaa ee Manchester Derby ee la sugayay sannado” ayaa ah hadalkii sanadihii u danbeeyay la sheegi jiray, lakiin xilligan waxbaa ka run ah, sababtoo ah waxaa isku dhacaya kooxda hogaanka heysa ee Sky Blue iyo kooxda kaalinta labaad ee Red Devils.
Sidaan oo kale ma aysan noqon tan iyo 1968dii. Waxaa jirta fursad ay Wayne Rooney, Sergio Aguero is asxaabtooda ay magaalada Manchester kaga dhigi karaan wadnaha kubada Ingariiska sidii ay soo sameeyeen Collin Bell iyo George Best sanadaas aan soo sheegnay.
Dabcan labadan kooxood waaba ay isasoo arkeen xilli ciyaareedkan, iyadoo United 3-2 kaga badisay City koobkii Community Shield ee Wembley ka dhacay, City ayaana kulankaasi labo gool ku hormartay, kulan kale oo ay labo gool ku hormareen islamarkaana dhibco lagala haray waxa uu ahaa kii Fulham ee bishii hore.
City ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool kulan kasta oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, waadna iska ogtahay inay tahay inay rikoorkaasi sii wadaan hadii ay doonayaan inay guul ku helaan Old Trafford, waa wax aysan sameynin koox kale tan iyo 2010kii markii Chelsea ay sidaasi sameysay.
Waa ciyaarta ugu fiican ee Roberto Mancini uu ku gaari karo kulankiisii 100aad ee isagoo tababare u ah Sky Blue, isagoo ah tababarihii 14aad ee soo mara City intii uu Sir Alex Ferguson macalin u ahaa United. Dhinaca kale Ferguson ayaa kooxdiisa garoonka soo gelinaya kulankiisii 43aad ee Manchester Derby, waxaana ay mudadaasi badiyeen 24 kulan, waxaa laga badiyay sideed, waana rikoor cajiib ah oo ay sameysay qeybta gaduudan ee magaalada Manchester.
Lakiin farqiga u dhaxeeya labada kooxood awood ahaan ayaa soo xirmaya hadiiba uusan xirmin, tababaraha United-na wuu ka warqabaa taas. Waxaana ku tuseysa hadalkii uu yiri todobaadkan ee ahaa : “Waxa ay hayaan hogaanka horyaalka, waa inaan wax ka sameynaa arintaas”
WAJI KA WAJI
- Manchester United ayaa badisay 66 jeer 159 kulan oo ay ciyaareen labadan kooxood, tan iyo markii ugu horeysay ee ay ku kulmeen horyaalkii hore ee Division Two 1894tii. City ayaa badisay 43 jeer, 50 jeerna barbaro ayay galeen.
- Manchester City ayaa ku badisay Old Trafford hal jeer kaliya tan iyo 1974tii, guul 2-1 ah ayay City ka gaartay United 2008dii.
- United ayaa dhalisay 50 gool 28 kulan oo Premier League oo ay kulmeen labadan kooxood. Mudadaasi City waxa ay dhalisay 28 gool.
- Waxaa jiray ilaa shan casaan ah oo la qaatay kulamadan tan iyo intii horyaalka Ingariiska magaciisa loo bedelay Premier League – Cristiano Ronaldo ayaa labo jeer qaatay, halka Roy Keane, Alan Smith iyo Bernardo Corradi ay iyagana qaateen casaan.
- Seddexleydii ugu danbeysay ee kulankan la iska dhaliyo waxa ay imaatay 1994tii markaasoo Andrei Kanchelskis uu dhaliyay hat-trick, kulan ay United ku badisay 5-0, ahaana guushii ugu weyneyd United ay ku gaarto garoonkeeda iyadoo la ciyaareysa City.
Manchester United
- United ayaan laga badin 25kii kulan ee ugu danbeysay ee ay Premier League ku ciyaaraan garoonkooda Old Trafford, waxaana ay ku badiyeen 19kii kulan ee ugu danbeysay. Waana waqtigii ugu dheeraa ee kooxda ay guulo ku gaarto garoonkeeda horyaalka Ingariiska. Waxa ay haatan sii marayaan 37 kulan oo aan looga badin garoonka Old Trafford tartamada oo dhan.
- Wayne Rooney ayaa dhaliyay shan gool kulamada Manchester Derby, waxaana uu barbaro la yahay ciyaaryahanka labaad ee isna ugu goolasha badan Manchester Derby Paul Scholes oo isna shan gool dhaliyay, kaliya Eric Contana ayaa 7 gool dhaliyay oo ka horeeya.
- United ayaa gool dhalisay dhamaan 13kii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka iyo Carling Cupka, waxaana ay dhaliyeen 37 gool mudadaas.
Manchester City
- Waxa ay dhaliyeen 14 gool, afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay marti ahaayeen, waxaana kulankiiba uu haatan u yahay 3.5 gool inay dhaliyeen.
- City ayaa ku guuldareysatay inay badiso afartii kulan ee ay booqatay kooxaha waa weyn sida United, Arsenal, Chelsea iyo Liverpool xilli ciyaareedkii hore.
- Samir Nasri ayaa dhigay 7 gool xilli ciyaareedkan, isaga ayaana ugu badan dhinaca caawinta horyaalka oo dhan.
Maakhir Media London
