Wadaadka sida Wayn U Taageera Xarakada Alshabaab Sh. Xasan Xuseen oo Xoriyadiisii dib U Helay
Nairobi(MMedai) Booliska Kenya ayaa sii daayay Sheekh Xasaan Xuseen oo ay shalay xabisga u taxaabeen. Sheekha oo ciidamada Amnigu su’aalo ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Shabaab ku waydiiyeen xarunta dhexe ee CIDda ayaa loo fasaxay inuu gurigiisa aado.
Sheekh Xasaan oo macruuf ku ah muxaadarooyin uu ugu qiil bixiyo dhaqdhaqaaqa Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaan la hubin in sii dayntiisu rasmi tahay iyo in damiin lagu sii daayay.
Sheekh Xasaan ayaa si aada loogu xusuustaa qoraaladisiii xidhiidhka ahaa ee uu ku gaalaysiiyay wadaadada UWSLF oo iyagu sanadkii tagay heshiis nabadeed la sixiixday Itoobiya, kuwaas oo iyaga iyo cid kasta oo fikir ku taageertaba uu ku tilmaamay inay yahiin murtadiin maadaama ay ku qanceen dastuur gaalo waa sida uu sheekhu hadalka u dhigaye. Sheekha ayaa waagaa lagu xujeeyay waxa diintu ka qabto joogitaankiisa Kenya oo uu sharci rasmi ah ku leeyahay dastuurkeedana ku hoos noolyahay.
Dhanka kale waxaa wali jeelka ku jira laba dhaqtar oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu soo eedeeyey inay taageeraan Shabaab, kuwaas oo dhawan la shaaciyay in maxkamda si rasmi ah loo soo taagi doono.
Dhawaan ayay dowlada Kenya wacad ku martay inay talaabo ka qaadi doonto cid kasta oo lagu tuhmo inay xiriir la leedahay Shabaab, iyadoo xadhiga Sheekha iyo dhakhaatiirtuba u muuqdaan hor dhacii wax wasiir ku xigeenka Amniga Kenya ku tilmaamay Hooyadii Howlgalada ( The mother of all operations) oo uu sheegay in laga fulin doono xaafadda Soomaalidu ku badantahay ee Islii iyo meelo kaloo dalka ka mid ah.
Waa markii labaad oo Sheekh Xasan uu xabsi gaaban u galo tuhun ku saabsan inuu xiriir la leeyahay xarakada Alshabaab, waxaana xarigan uga horeeyay mid ku qabsaday dalka Sweden, mar lagu macsuumay inuu muxaadarooyin ka soo jeediyo masaajid ku yaala dalkaasi.
Maakhir Media Kenya
