|

Kuma Ayuu Ahaa Mucamar Gaddafi?

Mucamar Gaddafi waxa uu dalka Libya ka talinaayey muddo 42 sano, waxaana uu xukunka inqilaab ku qabsadey sanadkii 1969, waxaana uu inqilaabey Boqorkii dalka Idiris.

Gaddafi waxa uu ku dhashey magaalada Sirte 1942 waxaana uu ka dhashey qoys Badow ah, waqtigaas dalka Libiya waxa uu gacanta ugu Jirey Gumeystihii Talyaaniga ee uu markaas hoggaaminaayey ninkii fashiista ahaa ee   Benito Mussolini, Aabaha dhaley Gaddaafi ayaa waxaa mar xabsi u taxaabey Gumeystihii Talyaaniga kadib markii uu ka mid noqdey dhaq-dhaqaaq lagu diidan yahay.

Gaddaafiga yar waxa ay raacey talabaadii aabihiis ku taagnaa, waxana uu  muujiyey sida uu Jamhad u yahay, mar ayaa laga cayriyey Iskoolkii uu dhiganaayey kadib markii lagu eedeeyey in uu soo abaabuley Mudaaharaad.

27 Sano Jir hoggaamiye ah

Sanadkii 1969, kadib 20 sano markii dalka Libiya xornimada qaatey, ayaa koox ka tirsanayd ciidanka inqilaab aan dhiig ku daadan kula wareegey taladii dalka, markaas oo Gaddafi ahaa 27 sano jir. Boqorkii dalkaas Idiris waxa uu arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka Turkiga, waxaana uu markii danbe tarxiil ahaan ugu noolaan jirey dalka MAsar

Si deg-deg ah ayuu dunida caan uga noqdey, waxaana uu ku soo caanbaxay hadaladiisi cad-cadaa, iyo isaga oo faraha la gala arrimo aan khsueyn dalka Libiya.

Shuuciyaddii Islaamiga ahayd

Sanadkii 1975 tii Gaddaafi waxa uu shaaciyey Buugii Cagaarnaa, waxaana uu halkaas ku caddeeyey fikradihiisa siyaasadeed, dalka Libya ayuu u jeediyey dhanka bulsho Shuuci ah taas oo sida uu sheegay ku dhisan islaamka. Waxa uu qarameeyey shirkaddo dhawr ah oo waaweynaa, waxaana uu xooga saarey dhismaha kaabayaasha dhaqaale, isaga oo si weyn u dhisey dalka Liibiya, Waxa uu sheegey in uu talada ku wareejiyey dadka isaguna  aanu haysan wax talo ah haba yaraatee.

Marka laga yimaado sheegashada Gaddaafi ee ah in talada uu ku wareejiyey dadka isaganu yahay Hoggaamiye calaamad ah, ayaa la dhihi karaa talada oo dhan isaga ayey gacanta ugu jirtey.

Xiriirkii reer galbeedka oo uu hagaajiyey

Gaddaafi oo reer Galbeedku ku shaabadeeyeen in uu yahay keligii taliye qaab daran ayaa haddana ay u haysteen in uu geystey denbiyo argagixisnimo. Maraykanka ayaa sheegey in Libiya ka danbesyey goob lagu caweeyo habeenkiii oo lagu qarxiyey magaalada Berlin dalka Jarmalka sanadkii 1986, halkaas oo ay ku dhinteen askar Maraykan ah, waxaana isla sanadkaas Maraykanku duqeeyey Qasriga uu Tripoli ka deganaa Mucamar al-Qaddaafi weerarkaasna wuu ka badbaadey, waxaase uu sheegey in ay ku dhimatey Gabadh yar oo uu soo korsadey. Ismaandhaafka ayaa sii socdey waxaana isla sanadkii 1988 lagu eedeeyey sirdoonka Libiya in ay qarxiyeen diyaaraddii PAN America taas oo ku soo dhacdey Tuulada Lockerbie dalka Scotland.

Kadib markii Maraykanku xukunka ka tuurey Saddam Xuseyn sanadkii 2003 ayaa Gaddaafi ku dhawaaqey in uu ka tanaasulkey barnaamijkii samaynta hubka Nucliyeerka ah, waxaana ay qirteen in ay ka danbeeyeen qaraxii loo geystey diyaaraddii PAN AM, waxaan taas beddelkeeda ay ku heleen in laga qaado cunoqabatyntii saarneyd, iyaga oo xiriir wanaagsan la sameeyey Maraykanka iyo dalalka reer Yurub.

Noloshiisi hoose

Gaddafi waxa uu ahaa nin xarago badan jecel dharka midabada badan leh gaar ahaan noocyada loo yaqaan kaftans & cloaks, sidoo kale waxa uu ahaa nin aad u xiiseeya nolosha miyiga, dhaqashada geela waxaana uu ku dhaaran jirey caanaha geela. waxa uu aad u nebcaa in uu biyaha dushooda ku duulo, sidoo kale waxa uu nebcaa in uu dego guryaha dhaadheer, waxa uu aad u aamni jirey gabdhaha, waxaana waardiyaashiisu u badnaayeen gabdho aan la guursan kuwaas oo loogu yeeri jirey Amazon guards, Gaddaafi ayaa lagu tilmaama nin aad isula weynaa isuna arkaayey waxaanu ahayn.

Sanadkii 2009 ayey ahayd markii u horeysey ee uu ka soo qaybgalay fadhiga loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, waxaana uu halkaas ka jeediyey khudbad qaadatay 96 daqiiqo, waxaana uu golaha Qaramada Midoobey ku sifeeyey gole argagixiso, waxaana uu jarjaray xeerka Qaramada Midoobey.

Bishii Feberaayo sanadkan 2011 waxa ka qarxay dalka Libiya mudaaharaadyo looga soo horjeedo talada 42 sano jirtey ee Gaddaafi, inkasta oo mudaaharaadyadaasi muddo 7 maalmood gudahood ah isu beddeeln dagaalo, waxaan dagaaladaasi horseedeen in kooxa Mucaaradku qabsadaan Bishii August ee sandkan magaalada Tripoli.

Tan iyo markii caasimadda laga soo saarey Gaddaafi waxa uu ku dhuumanayey magaalada Sirte halkaas oo ay ka dhaceen dagaaladii ugu xumaa abid ee ka dhaca dalka Libiya, maanta oo taariikjhdu tahay 20 Okt 2011 ayaa la xaqiijiyey in Gaddaafi uu dhintey kuna dhintey xili la doonaayey in la qabto.

Gaddaafi waxa uu guursadey laba jeer, waxa uu dhalay 7 wiil iyo gabadh waxaana uu soo korsadey laba gabdhood oo midi horey u dhimatey, qaar kamid ah qoyskiisi waxa ay u baxsadeen dalalka Niger iyo Aljeeriya.

Hussein Farah
Horseed

Maakhir Media Network

Comments are closed