Gacan ku dhiigle maanta lagu toogtay Garowe.
Waxaa maanta magaalada garoowe ee caaimada Pl ka dhacay Dil qisaas ah oo lagu fuliyay nin dhawaan ay maxkamada darajada 1-aad ee magalada Garowe ay toogasho ku xukuntey,kaasi oo diley nabadoon Xasan Waloore,sida uu qirtey C/laahi Isaaq Cali oo ah ninka maanta la toogtey.
Qasaasta ayaa waxa fuliyey mid kamid ah wiilasha nabadoon Xasan Waloore,ayadoo madasha dilka toogasho ay ka dhacey ay joogeen masuuliyiin ay kamid yihiin maamulka gobolka,kan dagmadda,gudoomiyaha maxkamadda darajadda kowaad ee magaaladda Garowe iyo saraakiil ka tirsan ciidamadda Booliska ee Puntland.
Waxa hadal kooban halkaasi ka jeediyey gudoomiyaha gobolka Nugaal oo sheegey in dilka toogasho ee maanta la fuliyey uu yahey mid xaq ku ahaa marxuunka geeryoodey,waxana uu hoosta ka xariiqey in cidii falal dil ah lagu qabto la marin doono sharciga islaamka iyo waxa uu ka qabo.
in kabadan 60 maxbuus ayaa xabsiyadda Puntland qaarkooda ugu xiran dil toogasho,waxaana gudoomiye C/ xirsi Cali Qarjab uu sheegey in kuwa kale ee xiran iyana la toogan doono goor aan fogayn.
Fatima Abdirzak Awed .
Maakhir Media Garowe.Puntland.somalia.


