|

Siyaasi Jamac Yare oo kasoo degay Garoonka Diyaaraha ee Hargaysa

Siyaasiga Caanka ah ee Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) oo ah Nin Asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, Laakiin aaminsan mabda’a Soomali-weyn ayaa maanta ka soo Degay Garoonka Diyaaraduhu ka hadaan ee Egal Airport International.

Jaamac Maxamed Qaalib ayaa waxa Madaarka Hargeysa ku Soo dhaweeyey MayirKa Magaaladda Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir , Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Boqolaal Qof oo kala Duwan, Madax dhaqmeedyo, Aqoonyahano iyo Waliba Bulsho kale oo fara badan.

Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-Yare) oo Saxaafadda kula hadlay qolka nasashada ee Garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu dalka u yimid inuu soo booqdo eheladiisa iyo Qaraabadiisa isla-markaana aanu wax cafis ah soo weydiinsan xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo, isaga oo tilmaamay in qof gurigiisa imanayaa aanu u baahnayn inuu cid ogolaanshiyo waydiisto.

Jaamac Maxamed Qaalib, oo la waydiiyay inuu ka noqday mabd’iisii Soomali-weyn ayaa sheegay inaanu wakhtigan ka hadlayn Soomali-weyn iyo Somaliland midna balse uu dalka u yimid oo kaliya inuu eheladiisa soo booqdo.

Si kastaba ha ahaatee Lama Ogaa Talaabadda ay ka Qaadi doonto Xukuumadda Axmed Siilaanyo Masuulkan, Wallow uu Imaashiyaha Jaamac Maxamed Qaalib ku soo beegmayo Wakhti ay horre Dalka u yimaadeen Siyaasyiin Aaminsan Mabda,a Somali Weyn

Source:Gebiley

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed