Diyaargarowga tartanka kooxaha heerka koowaad ee puntland oo garowe ka socda
Ciyaarahan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo ka qabsooma puntland ayaa la filayaa inay ku hardaman ugu yaraan 16 kooxood oo naadiyada heerka
koowaad ee ka jira deegaanada puntland.
Kulamo isdabajoogo oo ay qayb ka yihiin masuuliyiinta ugu sareya
wasarada shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha puntland
khubaro dhanka isboortiga ah oo iyo daneeyayaasha isboortiga ayaa
maalmahanba ka socday xarunta wasaarada
Wasiir ku xiggeenka wasaarada shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo
ciyaaraha Puntland Cismaan Cawada cali ayaa warbaahinta u sheegay tartanka
Naadiyada Heerka koowaad diyaar garoega loogu jiro iyo xili la filayo
inuu qabsoomo ciyaaraha waxaa kale oo uu shegay W.kuxigenka in gordhaw
ay shaacin doonan isku aadka kooxa herka koowaad ee degamada puntland
Agasimaha guud ee wasaarada Axmed Xassan Bille ayaa dhankiisa ka
warbixiyey halka ay marayaan hawlaha diyaaragaroowga ee tartanka
isreebreebka kooxha heerka koowaad.
Gud dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Gobolka Nugaal C.risaaq Nuur Halac
oo goob joog ahaa shirarkan loogu diyaargaroobayo tartanka naadiyada
heerka koowaad ee pl ayaa kawarbixinaya gobol ahaan sida ay ugu
diyaarsan yihiin kooxha ka jira Gobolka Nugaal.
Dhanka kalena khubaro dhabka ciyaraha oo ka soo kicitimay dhanka
qurbaha uuna ka mid yahay Macalin Cabdulaahoi Xassan Tuke. Iyo wiil uu
dhalay ayaa iyaguna haatan ku sugan Caasimada PL ee Garoowe si ay
wasaarada uga caawiyaan qabsoomida tartanada kala gedisan ee dhanka
kubda cagta
Ciyaaraha Noocyadooda kala duwan ayaa mudooyinkan danbe si weyn looga
daneeyaa inta badan gobolada pl iyadoo ay soo badanayaan garoomada
lagu ciyaaro noocyada is boortiga iyo dhalinta jecel inay ku
jimicsadaan noocyada Ciyaaraha
Mahad Cabdi
Maakhir Media Garowe

