|

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudiga Amiir Suldaan oo Geeriyooday

Amiir suldaan bin Abdel Aziz Al Saud ayaa ku geeriyooday  wadanka maraykanka isagoo laga dawaynayay cudurka Kansarka iyadoo aan dawalda marykanka aan wali shaacin geerida Amiir suldaan ee lahaa dhaxalka Boqortooyada Dalka sucuudiga .

Amiir suldaan bin Abdel Aziz Al Saud waxaa u ahaa dada Sideedtan jir iyadoo mudooyinkii danbe  uu halkaasi ku xanuusanaa waxaan lagu dabiibayay halkaasi ,waxaan cadeeyay inuu dhintay walalkii Malik cabalah oo dhinaca aabaaha isgaoo lahaa dhaxalka boqortooyada sucuudiga .

waxaa hal mar is badalay jawiga reer boqor oo geeridani ku timi iyadoo sidoo kalena Tv-ga wadanka sucuudiga lagu riday aayadaha Quraanka iyadoo ka turjumaysa in nin qaali ahaa u dhintay ,Amiir Suldaan waxaa dhalay Malik Faysal oo ahaa Boqorkii asaasay dawalada sucuudiga iyadoo uu dhalay wilal badan oo uu kamid ayahay Amiir Suldaan oo maanta Geeriyooday .

Amiir Suldaan bin Abdel Aziz Al Saud waxaa uu ahaa dhaxal sugaha Boqortooyada wadankaasi isagoo da’dadiisu ahayd 80 jir waxaana mudooyinkii ugu danbaysay lagu doonayay Dalka maraykanka laakin dawalda maraykanku may soo shaac bixin dhimashada Amiir suldaan

Maakir Media Riyaad

Comments are closed