Axmed Godane ‘Waan Soo dhawaynaynaa Dilka Qadaafi’+Dhagayso
Podcast: Play in new window | Download
Hogaamiyaha Alshabab Axmed Godane ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan Dilkii Hogaamiyihii Hore ee dalkaasi Libiya ay soo dhawaweyeen .
Godane oo ka hadlayay idaacada ku hadasha afka Al-shabab ayaa sheegay in ay si cad usoo dhawaynayaan dilka Kornel Qadafi ,Axmed Godane intaasi ku daray in shacabka liibiya anay mar danbe dooran kaligii taliye sidan oo kale .
‘Qadaafi waxa uu ahaa kaligii taliye waataa maantana ilaahay uga raaxeeyay dadkii iyo shacabkii liibiya waxaan kula dardarmayaa shacabka liibiya inay ilaaliyaan diinta islaamka waa inay danahooda ka sheeqeyaan’
waxaa kaloo uu ka hadlay dagaalka ay kula jiray ciidmada amisom isagoo sheegay in ay waligood dagalka kula jirayaan ,waxaana u intaasi ku daray in ay ciidamo badan ka dileen Amisom oo ah ciidamo la adeegsaday oo dalkoodii laga keenay.
Waxaa kaloo uu ka hadlay in uu jihaadka ay ku hayaan ciidmada Amisom uu sii socon doono sida uu hadalka u dhigay .
Isku soo wada duuboo godane ayaa ka muuqan shaashadaha caalamka isagoo soo duuba oo kaliya cajalado markii ay hawlo noocan oo kale ah ay jiraan waxaan asidoo kale uu ka hadlaa Idaacada ku hadasha afka Al-shabaab
