|

Rag katirsan Al-Shabab oo la sheegay in ay isu soo dhibeen DKMG ee Somaliya

Wararka ka imaanay magaalada muqdisho ayaa sheegaya in Rag ka tirsan Al shabab ay isku soo dhibeen maamulka dayniile ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha degmada Dayniile ee dowladda KMG Soomaaliya Daahir Xasan Xuseen oo la hadlay Saxaafada ayaa Sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmadaasi  oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab inay isku soo dhiibeen ilaa 5-ruux oo ka tirsan Xarakada Al Shabaaab, waxaana uu intaasi ku daray in dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay degmadaasi ay ku jabeen Xarakada Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Daahir Xasan Xuseen ayaa waxaa uu wax ka majiraan ku tilmaamay meydadkii dhawaan ay Xarakada Al Shabaab soo bandhigeen, isagoo xusay in meydadkaasi ay ahaayeen Ciidamo Shabaab kaga geeriyooday dagaalka.

Dagaal xoogan ayaa labadii maalmood ee lasoo dhafay ka socday Degmada dayniile ee magaalada muqdisho halkaasi oo ay  ka dhasheen khasaaro badan balse ay dawlada KM ay sheegtay in ay niman katirsan al shabaab ay isu soo dhibeen.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed