Obama ‘Ciidamada marykanka ee Ciraaq way kasoo baxayaan Dhamaadka sanadka dagaalkiina waa dhamaday”
Madaxwaynaha dalka marykanka Mr Obama ayaa shaaciyay in ciidamada maraykanku ay ka soo bixi donaan dalka ciraaq dhamaadka sanadkan .
waxa uu Obama ayaa sheegay in ciidamada ay soo laaban doonaan iyagoo dadkoodu ay doonayaan waxaana uu sheegay in ay waji cusub oo ay dalkooda iyo dadkoodu kusoo dhawayn doonaan isagoo sidoo kalena ku daray “Waxaa dhamaaday dagaalkii ciraaq ee mudada 9 sano ay ciidamada maraykanku ku jireen waaan soo laaban doonaan ciidamadu”sidaasi waxaa yidhi Mr Obaam.
Obaama oo la hadlayay saxaafada ayaa ka shekeyay hawl galadii ciidamdu ay ka soo qabteen dalka ciraaq isagoo sheegay in u dhamaaday dagaalkiii taasina badalkeedu noqonayo in ciidamada ay dalkooda iyo Guryahooda ay kusoo laabanayaan isagoo timaamay in ay ugu danbayn soo laabanayaan dhamaadka sanadkan ilaa bisha kowaad ee sanadka soo socda.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalkii ciraaq waxaa ciidamo badani ay kaga dhinteen dalka maryakanka oo ahaa dawladii hogaaminaysay xulafadiii kusoo duushay dalka ciraaq waxaa lagu qiyaasa inay ku dhinteen in kabadan 4.400 oo ciidan iyadoo la sheegay in ay ku baxday lacag gaadhaysa 1 trilion oo doollarka maraykanka ah .
waa ciidmadii labaad ee kabaxa dalka ciraaq iyadoo bilowgii sanadkan ay ciidamo aad u badani ay ka baxeen dalka kuwaasi oo gaadhay saldhigyadii laga keenay markii Hore hase ahaatee ay iminka kuwiii ugu danbeeyay ka baxayaan,waxaa kaloo lagu wareejiyay ciidmada dalka ciraaq ee iyagu u dhashay wadankaasi kuwaasi oo amaanka dalka la wareegi doona markii ay ciidamadani dhamaan ka faaruqaan dalka ciraaq.
.
2003 ayay ahayd markii ciiidamo uu hogaaminayo maraykanku ay dulaan ku qaadeen dalka ciraaq taasi oo la riday xukunkii sadaam xusayn oo ahaa kaligii taliye waxaan intaasi kadib dalka ciraaq gacanta ku hayay ciidmada uu hogaaminayo maraykan iyadoo ay ciidamo badani kaga dhinteen .
Maakhir Media Washiton
