Baadhitaan lagu samaynayo sidii qadaafi u dhintay iyo Dabaal dag ka socda Magaaloyinka wadankasi
Haayadaha u dooda xuquuqda Aadamaha ayaa a sheegatay in la baadhi doono sidii loo dilay ama uu dhintay Qadaafi iyadoo la sheegay in uu markii hore ahaa dhawac balse markii danbe uu dhintay .
Hadalka kasoo baxay haayadaha u doodoa xuquuqda dadka ayaa sheegay in ay ka shakisan yihiin sidii uu u dhintay Qadaafi iyado mar kii ugu horaysay la soo saaray inuu nool yahay hase ahaatee uu ahaa dhawac labada lugood ka qaba xabadkaga dhacday,taasina markii danbe lasoo galiaya shaashadaha caalamka in qadaafi geeriyooday iyadoo uu ku dhintay jidka intii loo sii waday dhakhtar ku yaala magalada Masraata .
waxay sheegeen Haayadah u dooda xuquuqda Bini aadanka in hal mar lawada dilay wasiirkii difaaca iyo wiilkii muctasim iyo qadaafi dhamaana ay xabadu kaga taala caloosha iyo madax waxaan alsheegay inRasaas madax lagaga furay kadibna uu u geeriyooday sidaasi .
waxay hadalkoooda raaciyeen in la baadhi doono sid auu u dhintay Qadaafi iyagoo sheegay in ay ka saluugsan yihiin qaabkii looshaaciyay dhimashada qadaafi i,wiilkiisa iyo wasiirkiisa.
Dhanka kale waxaa iyana dabaal dag wayni ka socdaa Magaalyin badan oo kamida wadanka liibiya oo ay ugu wayntahay Sirta iyo Triply
Wadanka liibaya waxaa wali ka socda Banaanbaxa aad uwayn oo loogu dabaal dagayo dhimashada Qadaafi waxaa suuqyada waawayn ee wadankaasi lagu arkayaa xoogag mucaaradka oo dabaal dagaya.
Magaalooyinka Banqaasi Masraata iyo Sirta caasimada Triply iyo dhamaan dalka oo dhana yaa waxaa ka socda dabaal dag aad u balaadhan oo ay dhigayaan dadka libiyaanka ahi
Ciidamada KMG ayaa Ridaya rasaas aad ubadan oo ay ku bashaalayaan si ay ugu moojiyaan dareenkooda waxay ku dhawaaqayan Eriyo kala duwan oo ay ku magayaan qadaafi
Maakhir Media Liibiya
