Banaanbax Aad u wayn oo loogu magacdaray Sowradi Dhimashii Qadaafi kadib oo ka socda magaaloyinka Suria
Banaanbaxyyo aad u waawayn ayaa ka socda wadan ka suuriya iyadoo ay dad aad u badan ay isugu soo baxeen magaalooyinkaa waawayn ee wadankaasi .
Shaashadaha caalamka ayaa soo gudbinaya banaabanxyadaasi ka socda wadanka Suriya iyadoo ay ciidamda amaanka ee dalkaasi ay Rasaas ku furayan dadka mudaharaadya waxayna dadkaasi ku dhawaaqayaan hadalo ka dhan ah in uu xukunka iskaga dago Bashaar xaafid Asad.
wararku waxay intaasi ku daranayaan in ay ciidamadu ay rasaas xoogle ku fureen dadkii mudaharaadayay waxaana la sheegay in ay ku dhinteen ilaa 16 qof waararka ayaa inataasi ku daraya ina ay ciidamdu difaac kujiraan.
Banaanbaxan oo loogu magacdaray Sowradii dilkii qadaafi kadib oo la qabatay maantoo jimca ah faagaarayaasha magaalooyinka waawayn ee wadankaasi ayaa looga qudbadeeyay iyagoo salaadii jimce ku tukaday goobaha ay ku mudaharaadayeen .
Banaanbaxan ayaa ku soo beegmaya kadib dilkii qadaafi ee shalay ciidamda NTC ay kudileen magaalada uu ku dhashay ee sirta halkaaasii oo ahayd goobtii ugu danbsay ee laga qabsado xoogaga taabacsnaa Macmar al qadaafi .
Maakhir Media Suria
