M/Faroole “Way ku saxan yihin Hawl galada ay wadaan Ciidmada Kenya Gudaha Somaliya”
Madaxweyanaha Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole oo waraysi siiyay BBC-da laanta Afka Soomaaliga ah ayaa waxa uu soo dhaweeyay soo galitaan ciidamada dowladda Kenya ee gudaha Soomaaliya.
Faroole ayaa waxa uu sheegay in dowladda Kenya ay xaq u leedahay inay difaacato amaanka dalkeeda, waxaana uu tilmaamay in Al Shabaab oo uu sheegay inay ka kala yimaadeen wadamada Caalamka gaar ahaan Afghanistan iyo Pakistan ay Qatar ku yihiin amaanka dalkaasi.
Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu intaasi ku daray in uusan ka cabsi qabin in dowladda Kenya ay Soomaaliya la wareegto hase ahaatee waxa uu sheegay in hadafkooda uu yahay sidii ay u adkeyn lahaayeen amaanka dalka Kenya oo ay ku sugan yihiin Qaxooti Soomaali ah.
Hadalka Faroole ayaa kusoo beegmaya xili ay ciidamda Kenya ku sugan yihiin Gudaha Somaliya kuwaasi oo kawada dagaal ay kula jiraan Kooxda al Shabaab iyadoo ay wehelinayaan ciidamada DKMG ee Somaaliya.
Maakhir Media Network
