|

Saif Al-Islaam oo la sheegay in uu baxsaday wadanka Nayjar

wararka ka imaanaya Libiya  ayaa sheegaya in  wiilkii uu dhalay Qadaafi ee kamida haaa wiilashii Saif Al islaam ayaa la sheegay in uu ka baxsaday  Wadanka liibiya kadib markii lala wareegay magaalada sirta halkaasi oo lagu dilay aabihi iyo walaalkii .

wakaalada wararka ee Rauters waxay soo daabacday in Saif al islaam uu cararay wadanka Nayjar ee dariska la ah wadanka liibiya iyadoo ay taasi ku dartay in uu markii shalay dagaal wayn ka dhacay uu halkaasi ku dhintay walalkii muctasim iyo Abihii Qadaafi.

Hase yeeshe waxay sheegeen kooxa kumeel gaarka ah ee NTC ina an la garanayn  halka uu ku danbeeyay marka laga reebo qoraalkan ay soo  daabacday bogeeda hore .

Saif al islaam ayaa ahaa wiilka uu ku dhaaran jiray Qadaafi kaasi oo la doonayay in uu badali doono Aabihii qadaafi  ,taasina ay wal wal wayn ka qaben mucaaradka iminka la wareegay dalka liibiya ee NTC iyagoo uu ka soo horjeeday  saif waxaana ay sheegeen sidoo kale in ay baadigoobayaan meel kastoo uu tago .

Maakhir Media Libiya.

Comments are closed