Hogaamihii Hore ee Libiya macmar Alqadaafi oo u geeriyooday Dhawacii soo gadhay
Hogaamiyaha liibiya ee Baxsadka ahaa ayaa la sheegay in uu geeriyooday sida ay kiusoo waramayaa saraakisha ciidmada sare ee NTC waxaana ay sheegayaan in uu u dhintay dhawacii
Col. Qadaafi ayaa la xaqiijiyey in uu ku geeriyoodey magaalada Sirta oo ah halkii uu ku dhashay iyadoo halkaasi ay ka socdeen todobaadyadii la soo dhaafay dagaalo ba’an oo u dhaxeeyey kooxaha daacada u ah iyo mucaaradka Qadaafi diidka ah.
Askarigii qabtey Col. Qadaafi ayaa us heegay saxaafada in markii uu qabanayey Col. Qadaafi uu ku cabaadayey “Ha I dilin, ha dilin, ha i xabadeyn”.
Laakiin sarkaal sare oo kale oo ka tirsan golaha NTC oo lagu magacaabo Mohamed Leith ayaa u sheegay wakaalada wararka AFP in Col Gaddafi uu qabo dhaawac culus isla markaana lagu qaaday Ambulance, balse mar dambe uu geeriyoodey.
Dabaal dagyo waawayn ayaa ka socda magaaloyinka waawayn ee Dalka liibiya Sida Triply waxaan aad looga dareemaya sawaxan iyo dhawaqa xabadaha halkaasii ay dadkii kasoo horjeeday Macmar alqadaafi ay ku faraxsnayeen.
Magaalada Sirta ee lagu qabtey Col. Qadaafi waxay u jirtaa magaalada Tripoli ee caasimada Liibiya dhanka bariga 360 KM.
Maakhir Media Sirta
