Wafdi kasocota dawlada France oo la kulmay madaxwaynaha Somaliland
Wafdi ka socda dawlada France ayaa la kulmay maanta madaxwaynah Somaliland axmed maxamed silaanyo waxaan kawada hadleen arimo badan .
War-saxaafadeed 20/10/2011
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Saddex xubnood ka kooban oo ka socda Dawladda Faransiiska oo uu hogaaminaayo Safiirka u fadhiya Dalkaas, Jamhuuriyada Jabuuti, Ambassador Rene Forceville.
Ambassador-ka ayaa ujeedada Socdaalkooda kawaramay waxa uu sheegay in ay tahay sidii loo kobcin lahaa ee kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada wadan ee Somaliland iyo Faransiiska.
Safiirku waxa u sheegay in ay Dawladiisu danaynayso in ay Somaliland ka caawiso dhinaca horumarka iyo kobcinta Ganacsiga Gaarka ah.
Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Weftiga uga waramay Xaaladda nabad-gelyo ee Dhabta ah ee Somaliland.
Madaxweynuhu waxa u sheegay in Somaliland ku guulaysatay Adkaynta Badda iyo Berigaba haatana ay u xaydan tahay inay ku talaabsato horumar dhan walba leh.
Madaxweynuhu waxa uu soo dhaweyey imaantinka Weftiga Faransiiska waxaanu dawlada Faransiiska iyo Beesha Caalamkaba ka dalbaday in ay Somaliland ku gacan qabtaan Dedaalkeeda ay la timid.
Dhinaca Somaliland waxa Madaxweynaha Kulankan ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire & Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debeda Dr. Maxamedrashiid Sheekh Xasan
Dhinaca Weftiga waxa Safiirka kulankan ku wehelinayey
1. Renu Morechaux, Director, Ministery of Defence of France
2. Alexdener Jabet, First Sect, at French Embassy in Djibouti
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Maakhir Media Hargaysa.

