|

Caasho Axmed” Waa gar daro cad soo galitaanka Ciidamada Keny”

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka KMG Soomaaliya oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siisay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa ay sheegtay in Ciidamada dowladda Kenya ay si sharci daro ah kusoo galeen gudaha Soomaaliya.

Caasha Axmad Cabdalla ayaa waxaa ay sheegtay in gar daro aan geed loogu soo gamban ay tahay soo galitaanka Ciidamada dowladda Kenya ay soo galeen deegaano ka mid ah gobolka Jubada hoose iyo Gedo, iyadoo sheegtay in dalka Soomaaliya uu yahay wadan Madax banaan,. waxaana ay intaasi ku dartay in wax laga xumaado ay tahay in dowladda Kenya ay ku micneeso soo galitaanka Ciidameeda Soomaaliya inay u soo galeen danahoodu gaarka ah.

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla ayaa waxa ay sheegtay in sababta ugu wayn ee dowladda Kenya ay soo gashay Soomaaliya ay tahay kadib markii ay dowladdaasi ku hungowday heshiisyadii dhinaca badda ah oo ay la saxiixatay Xukuumadda KMG Soomaaliya taasi oo ay tilmaamtay in Kenya ay doonayso inay la wareegto Xeebaha Soomaaliya.

Si kastaba hadalkaani kasoo baxay Xildhibaanadaani ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay imaanaysaa xilli deegaano ka mid ah gobolada Jubada hoose iyo Gedo ay ku sugan yihiin Ciidamo aad u farabadan oo Kenyaati ah kuwaasi oo wata gawaari gaashaaman, waxaana Saraakiil u hadashay Kenya ay sheegeen inay qorshaynayaan

Shabelle

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed