|

Madaxwayanah DKMG ee Somaliya oo xalay Gaadhay Ankara

Madaxweynaha DKMG ee  Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaray dalka Turkiya ayaa waxa si wanaagsan magaalada caasimadda ah ee Ankara ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dalkaasi.

Xog-haya labaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiya C/qaadir Maxamed Nuur oo la hadlay Saxafada ayaa sheegay sida loo soo dhaweeyay madaxweynaha  Soomaaliya iyo masuuliyiinta soo dhaweysa  waxa uuna uu sheegay in garoonka Ankara  ay ku soo dhaweeyeen ninka ugu sareeya xafiiska madaxweynaha Turkiga iyo wasiirka Qorsheynta dalkaasi isagoo tibaaxay in madaxweynaha uu casho sharaf la qaaday dhiggiisa dalkaasi Cabdalla Guul.

C/qaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in maanta madaxweynaha uu kullan la qaaan doono dhiggiisa dalka Turkiga Mr. Cabdalla Guul waxa uun intaa ku daray in madaxweynaha uu booqan doono dadka Soomaaliyeed ee dhaawacyadooda lagu dhabiibayo magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga kuwaa oo ku dhaawecmay mashaqadii 4tii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xog-haya labaad ee safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa sheegay in dalkaasi uu yahay wadan koowaad ee Soomaaliya garab istaagay islamarkaana xiriirka labada dal uu yahay in sii xoogeysanay

Dalka Turiga ayaa inta badan caawiya Somaaliya isagoo deeq soo gaadhsiiyay dhan  waxbarasho iyo deeq cunto daawo .

Maakhir Media Ankara

Comments are closed