Ciidamada dowladda oo la wareegay xarunta degamada Dayniile iyo Tiida
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dawlada ay la wareegeen degmada dayniile iyagoo gabi ahaanba isku fidiyay deegaankaasi.
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Midoowga Afrika ee AMISOM ayaa isku fidiyay degaannada ay ka kooban tahay degamada Dayniile iyadoo ciidamada ay ay fariisimo ka sameynteen xarunta degamada Dayniile iyo deegaanta Tiida.
Howl galka ciidamada ayaa lagu soo waramayaa in uu ku sii siqo deegaanno hor leh halkaasi ooo ay ku sii baacsanayaan kooxda Shabaab.
wararka ka imaanaya wariyaayaal la socda ciidamada Dawlada iyo AMISOM ayaa kusoo waramaya in ay wali ciidamadu sii socdaan oo doonayaan inay sii qabsadaan deegaano horle waxaa kaloo ay ku dareen in dagaalku uu wali socdo balse ay iminka haystaan Degmada dayniile ciidanka dawladu.
Maakhir Media Muqdisho
