Arday ka qalin jabisay machadka caafimaadka ee OTTI ee dhahar
Xaflad aad u balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen machadka OTTI ee ka dhisan magaalada dhahar Gobolka Haylaan waxaan kasoo qayb galay marti sharaf badan waalidiin iyo ardaydii qalin jabinaysay .
ugu Horayn waxaa halkaasi ka hadlay kadib furitaanka ka dib maamulaha machadka tababarka caafimaadka otti dhahar maxamed maxmuud cumar (kk) isagoo warbixin ka bixiyey machadka xaaladihiisa iyo ismakaana la dardaarmay ardadii qalinjabisay waxaa kale oo ka hadlay nabadoono aqoonyhano waalidiin masuuliyiin sida gudoomiyaha degmada salaad xasan shire iyo agaasimaha waxbarashada degmada iyo dadkale
Ardaydan qalin jabinaysay ayaa ahayd kuwo dhiganayay koorso 6 bilood ah kadibna la gudoonsiiyay shahaadadoodi
waa markii ugu horaysay oo uu macahadka OTTI qaybta dhahar uu gudoonsiyo arday noocan oo kale ah shahaado iyadoo macahadku uu ardayda baro caafimaadka qaybihiisa kala duwan sida gar gaarka deg dega ah iyo Nerska oo koorsooyin ah waxaana aad ugu farxay dadka deegaanka dhahar .
Maakhir Media Dhahar
