|

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo maanta sheegay inay dagaal la galayaan dowladda Kenya

Muqdisho(MMedia)  Xarakada Al-shabaab ayaa maanta ku dhawaaqday inay la dagaalamayso dowladda Kenya oo ciidamadeedu gudaha u soo galeen Soomaaliya, waxaana arintan ay imaanaysaa iyadoo shalay ay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya heshiis ku gaareen inay si wadajir ah ula dagaalamaan Al-shabaab.

Afhayeenka ciidamada ee Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho maanta ayaa sheegay inay u diyaargaroobeen dagaal ay la galaan ciidamada Kenya.

“Waxaan dhameystirnay ururinta xogaha ku saabsan tayada iyo tirada ciidamada Kenya ee dalkeena kusoo duulay, waxaan qaadaynaa tallaabo adag si aan uga hortagno duullaanka ay dowladda masiixiga ah ee Kenya kusoo dalkeenna,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Afhayeenka ayaa waxaa hareerihiisa taagnaa markii uu shirka jara’aid qabanayay rag ku labisan dharka ciidamada, wuxuuna sheegay in dagaalka ay qaadayaan uu yahay mid ay ku difaacayaan diinta islaamka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Kenya ayaa waxay gudaha Soomaaliya soo gelisay boqolaal ciidamo ah oo ay ugu talogashay inay la dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay mas’uul ka tahay nabadgalyo-darrada ka taagan gobolka Bariga Afrika.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in dowladaha dariska ah ay isku af-garteen inay iska celiyaan ciddii kasoo weerarta gudaha Soomaaliya, iyagoo tan ku sheegay iskaashi dhinaca ammaanka ah oo ay la sameysteen dalalka gobolka oo dhan.

Afhayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Dheere oo maalin ka hor shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Kenya ay u dirayaan fariin ah inay kala baxdo ciidamadeeda Soomaaliya haddii ay iyaguna beegsan doonaan dalka Kenya.

Dhanka kale, wararka laga helayo deegaannada Koonfureed ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan laga dareemayo deegaanno ay ka mid yihiin degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani oo ay ku kala sugan yihiin ciidamada DKMG ah, kuwa Kenya iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed