|

Madaxweyne Shariif Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo U Duulay Turkiga+Sawiro

Muqdisho(MMedia) Madaxweeynaha Soomaaliya mudane Sh. Shariif Axmed iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Istambul ee dalka Turkiga.

Duhurnimadii maanta ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ka duushay diyaarad qaas ah oo ay la socdeen wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed kuwaas oo ku sii jeeda magaalada dalka Turkiga.

Madxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaanadhigga Xuseen Carab Ciise, wasiirka Wasaaradda garsoorka arrimaha diinta iyo Awqaafta Axmed Xasan Ugaas Bile, wasiirka qorsheeynta qaranka iyo xiriirka caalamka Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka wasaaradda dastuurka dib u heshiisiinta iyo arrimaha ferderaalka C/raxmana Xoosh Jibriil iyo xubno kale.

Mudane Xuseen Carab Ciise wasiirka gaashaandhigga oo warbaahinta Qaranka kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa tilmaamay in booqashaada madaxweynaha iyo wafdigiisa qaadan doonto muddo 3 maalmood ah islamarkaana ay inta ay ku suganyihiin Turkiga booqan doonan goobaha caafimadka ee lagu dabiibayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii dhawaan ka dhacay xarunta hargaha iyo saamaha..

Wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaradaha Aaden Cadde ku sii sagootiyay guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aaden, xubno ka tirsan baarlamanka. iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda.

Maakhir Media Muqdisho

Daawo Sawiro

Comments are closed