Qarax Miino oo Maanta Markale Ka dhacay Magaalada Muqdisho
Muqdisho(MMedia) Qarax miino oo qasaaro gaystay ayaa gaari ay wateen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya waxaa lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir.
Qaraxaani oo ahaa Miino nuuca dhulka lagu aasay ayaa waxaa barqonimadii maanta lala eegtay Gaari Ruuneed ah oo ay wateen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya kaasi oo marayay Buundada labaad ee degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal ku suganaa goobta qaraxa lagula eegtay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen in qaraxa ay ka badbaadeen Ciidamada dowladda hase ahaatee uu dhaawacay labo caruur ah oo ku sugneyd goobta uu qaraxa ka dhacay.
Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa waxa ay sheegeen in markii uu dhacay qaraxaasi ay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya halkaasi ka bilaabeen howlgallo lagu baarayo cidda ka dambeysay qaraxaasi, waxaana la sheegay in Ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen hal qof oo lagu tuhusnyahay in uu ka dambeeyay qaraxaasi.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda KMG Soomaaliya oo ku aadan qaraxa maanta lala damacsanaa in lagu dilo Ciidamo ka tirsan dowladda oo watay Gaari Ruuneed ah, waxaana arintaasi ay qeyb ka tahay qaraxyada inta badan Magaalada Muqdisho lagula eegto Saraakiisha iyo Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.
Maakhir Media Muqdisho
