|

Dawlada Sucuudiga oo sheegtay inay Somaliya ka qodayso Ceelal biyood

Dowladda Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday in bilaha soo socda ay ceelal biyoodyo ka qodeyso dalka Soomaaliya, si ay uga faa’iideystaan dad ay abaaraha ba’ani ku dhufteen ee ku sugan gobollada dalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka labad ahna wasiirka Arrimaha gudaha ee dowladda Sacuudiga Amiir Naif Bin C/Casiis ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay ku howlantahay sidii ceelal biyoodyo looga hirgalinlahaa dalka Soomaaliya, si ay u yaraato baahida dadka Soomaaliyeed ay u qabaan biyaha ee ku nool Gobollada dalka Soomaaliya

Amiir Naif ayaa intaa ku daray in mashruucaan ay ceelasha ugu qodaayaan dalka Soomaaliya ay ugu tala galeen in ay ka faa’iideystaan ku dhawaad 3,600,000 ruux oo ku kala nool 11 gobol oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Mubaarak Bin Saciid Al-Bakar oo ah Agssimaha fulinta Oloolaha Sacuudiga taageerada Somalida ugu uruurinayaan ayaa tibaaxay in ay horey dowladda Sacuudiga ay Soomaaliya ugu deeqeen kaalmooyin kala duwan oo ay ka faa’iideysteen ku dhawaad 40,000 Qoys oo barakacyaal ah oo ku jira xeryaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho.

SONNA

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed