|

Maraykanka oo Somaliya lacag ugu deeqay Abaarta ka jirta Awgeed

Madaxwayne ku xigeenka dalkaasi maraykanka John bedan ayaa sheeegay in gaaajaada ka jirta Somaliaya ay sabab u tahay Al-shabab isagoo sheegay in hadii aanay kuwaasi joogin somaliya gar gaar lagaadhsiin lahaa .

Mr paden ayaa ka hadlayay kulan ay yeesheen dadka u ololeeya ladagaalanka gaajada ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga qayb qaato ladagaalanka alshabab iyo gaajadaka jirta geeska afrika khaastaan Somaalia oo ay iminka hadhaysay .

waxaa kaloo uu sheegay in meelaha ay hada joogto Al- Shabaab ay ku hadhay gaajadii yo macaluushi taasna keentay kadib markii ay diideen in dadkaasi la geeyo macaawino ,taasina waxay keentay in ay dad badani gaajo la macaluulaan.
waxuuna tilmaamay in Somaliya aan lacag ugu deeqayno wax kabadalaysa inay macaluushu ka ba’ado.

Xoghaya Arimaha debeda ee dalkaasi maraykanka Helery Cillinto oo iyana goobta joogtay ayaa sheegtay in somaaliya ay ka jirto gaajo iyo macaluul waxana sidoo kale ku dhawaaqday in 100 milyan oo doolarka Maraykanka ah oo dheeraad ah ay ugu deeqayaan wadamada bariga Afrika ee ay abaaruhu saameeyeen oo ay Soomaaliya ka mid tahay, halkaasi oo ay tilmaamtay inay ka jirto macluul aad u daran.

Ms Clinton ayaa hoosta ka xariiqday in maamulka Madaxweyne Obama ay ka go’antahay kaalmo gaarsiinta wadamada ay abaaruhu ku dhufteen, si gurmad beni’aadanimo loogu fidiyo dadka ay macluusha ku habsatay ee ku nool dalal ay Soomaaliya ku jirto.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku dhawaaqo kaalmadaan dheeraadka ah ee aan ugu tala galnay in cunto loogu iibiyo dadka ku dhaqan wadamada Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya” ayey hadalkeeda ku dartay.

Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa shaacisay in Xukuumadda Washington ay kalhore bixisay $647 oo doolar, kaa oo ay xustay in ay ku wareejiyeen hay’adaha samafalka qaabilsan oo ay ugu horeyso hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, waxaana ay intaa raacisay in gar gaarkaasi loo gudbiyey goobihii loogu talagalay.

Maaha markii ugu horaysay ee Somaliya lacago mucaawima aha loogu deeqo iyadoo meelaha hada ugu xun ee ay ka taagantahay abaartu ay ka taliso Al-shabaab balse aanay ogolayn in halkaasi la geeyo macaaino taasi oo ay dad badani la macaluulayaan gaajo.

Maakhir Media Washiton

Comments are closed