|

Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood Ku Qiimeeyay Xaaladda Nabadgelyada

Fadhigii  golaha Guurtida Somaliland ee maanta ayaa Mudaneyaasha aqalkaasi kaga doodeen xaalada nabadgelyada dalka oo ay tallooyin u soo jeediyeen  Ha’yadaha amniga.

Fadhigaasi  oo uu  gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golahaas Mudane Siciid Jaamac Cali ayaa waxay mudane yaashu kagaga doodeen xeerka nabadgalyada kaas oo ka mid ahaa ajandaha kalfadhiga 45aad oo ay mudane yaashu ku jiraan.

Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed oo ka hadlay aragtidiisa ku wajahan qodobka nabad galyada ee laga doodayay ayaa  si gaar ah waxa uu uga hadlay arrinta colaada beelaha wada daga dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya gaar ahaan kililka shanaad  isagoo xildhibaanku arrintaa ka hadlaayayna waxa uu yidhi “Arrintaa Kililka shanaad ee Itoobiya laga soo sheegayo oo dad ku dhinteen waxaan soo jeedinayaa  in golle ahaan aynu ka qaadano doorka aynu ku leenahay oo aynu ka soo saarno baaq nabadeed oo arrintaa ku wajahan ayaan anigu soo jeedinayaa.”

xildhibaan Caydiid waxa kale oo uu ka hadlay arrintii colaadii  Kalshaale waxaanu yidhi “Arrinta Kalshaale wali beelihii layskuma keenin waxaad moodaa in ay siyaasadi ku jirto, waxaan raacsanahay in uu gaabis jiro oo loo  baahan yahay  in inaga iyo xukuumadu aynu dib isugu noqono si loo saxo wixii qaladda ee jira haddii ay xukuumada noqoto iyo haddii ay inaga.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu ka hadlay arrinta dhalinyarada xaafadaha waxanuu yidhi “Anigu xaafada aan deganahay oo ah Xawaadle iyo Goljano habeen walba isku dhac dhalinyaraa ka dhaca,isku dhacaasna dhalinyaraa wadda oo la saf baa loo dagaalamaa, wax bilays ah oo yimaadaana ma jiraan haddii ay sii socotana dhibaataa ka imanaysa,  waxaan soo jeedinayaa in arrintaa bilaysku wax ka qabto.”

Xildhibaan Cawil Xuseen Axmed oo isna ka mid ahaa mudaneyaashii ka qayb galay doodan nabad galyada ayaa isna isagoo ka hadlaaya arragtidiisa ku wajahan nabagalyada waxa uu yidhi “Nabad galyada dalku aad bay u wanaagsan tahay, hadana iyadoo wanaagsan in mar walba laga werweraa aad bay u wanaagsan tahay.aniga aragtidaydana waxa inoogu dhib-badan caruurteenii oo habeenkii saf-saf isku laynaaya taas oo nabad galyada wax u dhimaysa.”

“Waxaan leeyahay bilaysku way ka shaqeeyaan, laakiin kaligood waxba kama qaban karaan hadaan dadka shacabka ahi la shaqayn oo aan lagu kaalmayn gudashada waajibadkooda qaranee shacbigu ha la shaqeeyo,”ayuu yidhi Md. Cawil.

 Xildhibaan Cawil waxa uu ka digay halista ay nabadgelyada ku hayaan kooxaha argagixisada waxaanu yidhi “Arrintaasi waxay u baahan tahay siddii aynu awalba dawlada iyo shiciba u wada shaqaynay  in aynu uga wadda shaqayno oo uu qofwaliba bilays noqdo oo uu halka uu joogo nabadgalyada ka illaaliyo wixii dhib wadda ee uu arkona la socodsiiyo ciddii ku shaqo leh. Anigu waxaan soo jeedinayaa in Golaha guurtidu kordhiyo wacyi galinta dadwaynaha ee xagga nabadgalyada.”

Xildhibaan Ibraahin Ciise Buux oo isna ka hadlay aragtidiisa ku wajahan nabadgalyad gaar ahaan ta wadooyinka waxa uu yidhi  “Dhibaatooyinka nabadgalyada wadooyinka ee maalin walba dhaca waxa ka mid in darawalku isagoo gaadhigii wadda ayuu haddana  Moobil ku hadlayaa taas waxay keentaa  in ay maskaxdiisu baxdo taasina waxay sahli kartaa in uu si fudud shil u galo, annigu waxaan u soo jeedinayaa in marka ay darawaliintu Moobilada  ku hadlayaan in wadada dhinac uga baxaan, ciidanka ku shaqada leh nabadgalyada wadooyinka waxaan u soo jeedinayaa in ay wax ka qabtaan arrimahaas.”

  “Dadkii shisheeyaha ahaa ee dhawaan xukuumadu ku dhawaaqday in dalka ka baxaan waxay culays weyn oo saarnaa ka qaaday xagga nabadgalyada, wadankana culays weyn baa ka fududaaday oo ay wax badan u khafiifisay xukuumaduna way ku mahad santahay waxaana loo baahan yahay in arrintaa la sii adkeeyo oo la socdo dadka xuduudaha dalka soo galaya oo la ogaado cida dalka soo gaysa,” Xildhibaan Farxaan Ciise Ubaxle, oo ka mid ahaa Mudaneyaashii fadhigaasi ka hadlay.

Xildhibaanku waxa uu intaasi ku daray “Wadamada aynu jaarka nahay haddii aad tagto illaa Hudheelka aad ku dagayso waa la ogyahay oo waxa la baadhayaa waxa aad u socato iyo halka aad ka timi, waxaana jira fiiseyaal lagu galo wadamadaa inaguna kuwaas uun baynu la mid nahay. Waxaan soo jeedinayaa in go’aankaa la sii xoogeeyo oo aan halkaa lagaga hadhin.”

Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo Guddiyadii nabadgelyada ee xaafadaha magaalooyinka laga sameeyay.

“Waxaan leeyahay waa in la xoojiyaa guddiyada nabadgalyada ee xaafadaha ka jira waxaana loo bahan yahay in loo sameeyo shuruuc arrimahaas wax lagaga qabto madaama oo aynu nahay golleyaashii sharci dajinta,”ayuu yidhi Md. Xareed.

Gababgabadii fadhigaasna waxa loo balamay in fadhiyada maalmaha soo socda  halkaa laga sii abo qaado dooda xeerka nabad galyada.

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed