|

Nabadgelyo Xumida Waxa Sababa Hubka Gacanta ugu jira Shacabka(Gen:Ilka Jiir)

Garoowe(MMedia) Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Gen. Cabdilaahi Axmed Jaamac ( Ilkajiir ) oo isaga oo magaalada Garoowe ku sugan Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dagaalada ka dhex qarxa beelaha oo bilihii u danbeeyey deegaanada Puntland kusoo badanayey ay ugu wacan tahay kororka hubka Sharci darada ah ee dadka shacabka ah marba marka ka danbaysa gacanta usoo gelaya.

Wasiirka oo dhowaan soo gababa gabeeyey safaro nabadayn ah oo isaga iyo wefdi uu horkacayo ay ku marayeen degmada Rako iyo deegaanada hoostaga , halkaas oo ay horaantii bishan ka dheceen dagaalo khasaare nafeed sababay oo dhex maray labo beelood oo walaal ah oo dhulkaas wada dega ayaa sheegay in ay jiraan dhalinyaro badan oo hub sharci darro ah haysta kuwaas oo ay fududahay in si fudud ay ay u galaan fal denbiyeedyo nabadda iyo xasiloonida khal khal gelin kara.

Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa sidoo kale sheegay inay ku guuleysteen nabadayntii ay ka dhex bilaabeen labadii beelood ee ay todobaadyo ka hor xurguftu ku dhex martay dhulka ku yaal bariga gobolka Karkaar , isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu tilmaamay in dagaal beeleedyada soo noq noqday ee bilihii u danbeeyey ka dhacay Puntlan ay qayb weyn ka tahay hub tira badan oo uu sheegay in ay dadka rayidka ahi haystaan.

Wasiirka  Wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir ) ayaa ugu danbayntii ugu baaqay dadka Puntland in ay nabada ka shaqeeyaan , isagoona sheegay in nabadu ay horumarka udub dhexaad u tahay si horumar loo gaarana ay lagama maarmaan noqonayso in nabadda si wada jir ah looga shaqeeyo wax kasta oo nabadda iyo xasiloonida wax u dhimi kara si wada jir ah looga hortago.

Hadalka Wasiirka arimaha gudaha ee Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli sanadkan gudihiisa ay marar badan gobolada Bari , iyo Karkaar ay uga dheceen dagaal beeleedyo sababay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed , waxaase deminta colaadahaas dadaal badan ku bixiyey dowladda Puntland iyo Madaxda dhaqanka oo iskaashanaya.

Maakhir Media Garoowe

Comments are closed