|

Qarax Wayn oo Ka dhacay Magaalada Muqdisho+Sawiro

Muqdisho: (MMedia) Qarax gaystay dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta ka dhacay Xarunta dhismihii hore ee Wasaaradda arimaha dibadda ee magaalada Muqdisho, iyadoo dowladda KMG ay ka hadahshay qaraxaasi. 

Inta la ogyahay 4-ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay in ka badan 10-kalana wey ku dhaawacmeen qarax ka dhacay dhismaha Wasaaradii hore ee arrimaha dibadda oo ku taalla isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

 

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay kadib markii gaari ay ka buuxeen waxyaabo qarxa oo marayay iridka hore ee dhismaha wasaaradii hore ee arrimaha dibadda ee Isgoyska Banaadir uu ku qarxay iridka hore ee Wasaaradaasi  

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa la gaarsiiyay Isbitaalada Banaadir iyo Madiina ee magaalada Muqdisho halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo sida ay Shabelle u sheegeen Saraakiisha Isbitaaladaasi. 

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG Soomaaliya C/samad Maclin Max’ud oo ka mid ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa Shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ku sheegay in qaraxa uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa kaasi oo uu tilmaamay wasiirka inay fashiliyeen ciidamada dowladda, waxaana uu intaasi ku daray in qaraxa lala doonayay xarumaha dowladda ee magaalada Muqdisho. 

Afhayeenka ciidamada booliska dowladda Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise oo isna Saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in qaraxaani ay ku dhinteen dadka rayidka ah uu gaystay qof naftiis hore ah, waxaana uu sheegay inay baaritaano ku wadaan waxyaabihii ka dambeeyay falkaani oo uu ku eedeeyay Al Shabaab.

Maakhir Media Muqdisho

 


Comments are closed