|

Madaxwaynaha Somaliland oo Magacaabay Lataliyaha Dhanka dadka laga tirada badan yahayDhanka

17/10/2011

War-saxaafadeed

 

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay 0172/102011  ku magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka La Hayb sooco ee Jamhuuriyada Somaliland.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:              Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Markuu Tixgeliyey:        Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka La Hayb sooco,

 

Markuu            Arkay:             In baahi loo qabo  Magacaabidda jagadan,

 

Markuu Ka fiirsaday:    Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hufnaantiisa shaqo,

 

Markuu ku Qancay:       In uu hanan karo xilkan loo magacaabay

 

Wuxuu go’aansaday:-

 

In Mudane, Barkhad Jaamac Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta 17.10.2011 uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka La Hayb sooco ee Jamhuuriyada Somaliland.

 

 

 

ALLAA                         MAHAD                             LEH

 

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

     Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments are closed