|

Qaraxyo goor dhow Muqdisho ka dhacay oo lala eegtay Saldhig Ciidama AMISOM leyihiin

Qaraxyo is xig xigay ayaa maanta lala eegtay saldhig ay ciidama AMISOM ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Qaraxyadani oo ahaa miinada nooca laga hago meelaha fog fog ayaa la sheegay in ay ku qarxeen banaanka xarunta Jaamacadii Hore ee Umadda ee magaalada Muqdisho oo hada xarun u ah ciidamada Burundi ee ka mid ah kuwa AMISOM.

Haweeney diiday in magaceeda ay Saxaafadda ka sheegto oo ka mid ah dad goob joogayaal ahaa ayaa Horseed Media u xaqiijisay in ay indhaheeda ku aragtay dhaawacyada sadex ruux oo isugu jirya askar ka tirsan ciidanka dowlada KMG iyo dad rayid ah.

“Qaraxu wuxuu ka dhacay geed hoostiis , oo ah qeybta danbe ee xarunta Jaamacada gaar ahaan derbiga wareega ah, waxaa halkaasi joogey ciidan ka tirsan dowlada, qaraxa hore ayaa sababay Khasaaraha wax yar kadibna waxaa dhacay qarax kale balse ma jirin cid ku waxyeelowday,” ayey tiri.

Ciidamada AMISOM ayaa furay rasaas marki ay maqleen qaraxyada waxaana goobta isaga cararay dhamaan dadki ka agdhawaa , mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay qaraxaasi, hase yeeshee waxaa looga shakisanyahay in Al-shabaabku ay ka danbeeyeen.

Source:Horseed

Maakhir Media Muqdisho.

 

Comments are closed