|

Milatariga Kenya oo 100 KM gudaha u soo galay sohdinta Soomaaliya

Ciidamada dowladda Kenya ayaa ku dhawaad 100km gudaha u soo galay sohdinta Soomaaliya, kadib markii ay isa soo tareen dhibaatooyinka ay kooxaha burcadda ah ka geysanayaan magaalo xeebeedyada dalka kenya ee xadka la wadaaga Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiga ee dalka Kenya George Saitoti ayaa shaaca ka qaaday in cutubyo ka tirsan ciidamadooda ay ku dhawaad 100km gudaha u soo galeen soohdinta Soomaaliya, si ay u baacsadaan kooxaha burcadda ah ee afduubka u geysata ajaanibta u soo dalxiiska tagta dalka Kenya.

Mr. Saitoti ayaa sidoo kale tibaaxay in ciidamada ay kaashan doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka arrimiya Gobollada Jubbooyinka, si ay gacanta ugu soo dhigaan danbiilayaashii afduubka u geystay shaqaalihii hay’adda MSF ee u dhalatay dalka Spain.

“Ciidamadeenu duulaan kuma ahan dalka Soomaliya, balse waxa ay ugaar sanayaan kooxaha sharwadayaasha ah ee dhibaatada iyo afduubka u geysata ajaanibta u soo dalxiiska tagta dalka Kenya” ayuu hadalkiisa ku daray Mr. Saitoti

Galintaanka ciidmada Kenya ay gudaha u soo galeen sohdinta Soomaliya ayaa ku soo aadeyso xilli Maleyshiyada Al-Shabaab ay saacadihii la soo dhaafay isaga baxeen degmooyinka Qooqaani iyo Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii ay maqleen in boqolaal kun oo ciidamada militariga kenya ay ku soo foolleeyihiin gobollada Jubooyinka.

Source SONNA

Maakhir Media Kimaanyo

Comments are closed