|

Xisbiga UCID oo beeniyay in xildhibaano Wakiilada ka tirsani ay xisbigii isaga baxeen

xukunkii ay maxkamada soo saartay waxay kooxdii falaagada ahayd ee lagaga guulastay e la magac baxday Budhcad xusbiyeedkabilaabeen dacaayado  iyo been  abuur ay ka been abuurayaan xildhibaano iyo xubno Xisbiga UCID ah.

Kooxdaas Budhcad xisbiyeedka ahaa oo u kala jabay laba garab;

Waqaf iyo koox la socotayna ay ka go’een

Abdirahmaan Cirro iyo koox uu urursadayna  ay ku dhawaaqeen Urur isku sheeg lagu magacaabo Wadani  kaas oo ay sheegen in ay dhamaan xildhibaanadii UCID ku biireen taasina ay tahay been qaawan  oo kuwii hore uga maqnaa moyane xildhibaanda laga been abuuray  ay kala yahiin:

Xildhibaan Bukhaari
Xildhibaan Qabile
Xildhibaan :N/Shire
Xildhibaan:Caalim

Xildhibaan:Muuse maxamedIyo qaarkaloo badan oo ay ka been abuureen kuwaas oo afkooda ka cadayn doona.
Mudane:Abdirahmaan  waxaa la yaaba  in uu iska indho tiro sharciyada hortaala  ee uu golaha ugu yimid  siddeedaa sanadoodana uu akhriyey loona xilsaaray.

1:Saddexda Xisbi Qaran waa shaqsiyada qaynuuni ah oon lagu qaldami Karin
Sida ku cad Qodobka 20naad  Xeer No:14/2011
Distoorka qaranka Qodobkiisa 48naad waxuu qeexayaa in aanay banaanayn in dana gaara ah looga faa’iidaysto xilka umada loo hayo.

Qodobka 50naad ee Distoorka Qaranka Farqadiisa 3aad oo cadaynaysa waxa uu xildhibaanku ku waayi karo xildhibaanimada oo ah hadii uu jabiyo shuruudahii lagu soo doortay mida ka mida.Sidaa darteed uma aqoonsanin Abdirahmaan CirroXildhibaan iyo Gudoomiye midnaba sida ku cad qodobada aanu soo sheegnay cid alla cidii u raaciwaydana distoorka qaranka iyo xeerarka dalka u yaala waxaa cad in ay Somaliland burburinayso.

Somalilanda dhalashadeeda iyo jiritaankeedaba dhiig ayaa loogu fooldhaqday cid burburin kartaana ma jirto.

Been abuurka iyo dacaayadaha aan waxba ka jirin ee Ururka qayrul sharciga ah ee WADANI saxaafada iyo warbaahinta u dhiibo Qodobka 18aad ee Xeer No:14/2011 ayaa qeexaya waajibaadkiisa uu leeyahay been abuurkaasi.

Hadaba gudida diwaangalinta maadama oo ayany wali gaadhin oo aanay wali dabaqin Qodobka 4aad iyo ka 5aad ee Xeer No:14/2011 Ururka aan la aqoonsan ee xisbigi qaran loo adeegsanayo burburintiisa xaalada abuurka iyo nabad galyo darada  uu abuurayo waxaanu ka codsnayanaa in ay indho gaara ku hayaan waajibaadkoodna ka qaataan xiliga ay haboonaato.

Abdirahmaan Cirro isku halaynta uu qabo ee uu sharci darada intaa leeg ugu talaabsanayaa  waa mid ka saraysa ama ka wayn kursiga baarlamaanka ee uu sida sharci darada ah  ugu  fadhiyo ee uu sheegay in uu iska casilay.

Waana mid ka been abuuuraysa xaalada dalka oo uu kula kacay golaha Wakiilada  dhexdiisa iyo xisbiga  qaranka ee UCID .

82xubnood ayaa u sharaxnaa xisbiga UCID 21 ayaa soo baxay 61na way hadheen codkoodii inta hadhay ayey 21kaasi ku fadhiyaaan yaan la ilaabin waa sugaayaale.

Guntii iyo gabagabdii:

Qaranku waa saddex waxood (Waxaada Baarlamaanka ,Waaxda Garsoorka iyo Waaxda Fulinta ) waxaanu hadaba saddexda waxood ee xilkaa haya ogaysiinaynaa xaalada kasta oo dalka ku timaada in uu masuul ka yahay Abdirahaman Cirro.

Komishanka Qarankana waxaanu u soo jeedinayanaa in ay talaabo degdeg ah ka qaadaaan Arinta Abdirahmaan Cirro ee aanu u soo gudbinay.

Afhayeenka Xisbiga UCID

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed