Madaxwaynaha Somaliland oo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne
Warsaxafed naga soo gaadhay xarunta madaxtooyada hargaysa ayaa ka hadlaysa magaacib uu magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Oodwayne iyadoo uu dhawan Geeriyooday Gudoomiyhii Hore hadaba Hoos ka Akhri war saxafadeedkii
16/10/2011
War-saxaafadeed
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0174/10/2011 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Oodweyne.
Madaxweynuhu :-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda uu Gudoomiyuhu u leeyahay Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne,
Markuu la Tashaday: Madaxda ay khusayso.
Markuu Ku Qancay: In uu buuxin karo, Aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan.
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta 16.10.2011 uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Oodweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Maakhir Media Hargaysa
