Warar Faah Faahsan oo Kasoo baxaya Dagaalada Jubooyinka
Muqdisho((MMedia) Ayadoo wali ay gobollada Jubbooyinka ka aloosanyihiin xiisaddo dagaal ayaa ciidamadii xarakada Alshabaab ee shalay galankii danbe isaga baxay Qooqaani waxay saldhig ka samaysteen deegaanka Cag-Libaax oo qiyaastii 30KM dhinaca Kismaayo kaga beegan magaalada Qooqaani.
Ciidamada Kaabooniyiinta iyo kuwa DKMG oo xalay u hoyday Qooqaani ayaa fadhiisin ka samaystay meel aan ka fogayn Cag-libaax waxayna isu diyaarinayaan inay weerar ku qaadaan fadhiisinka Alshabaab. Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa saaka dhex mushaaxayay hawada, masa jirin ilaa iyo hadda wax duqayn ah oo ay gaysteen hadii ayna bilaabi doonin galinka dhexe ee maanta ama galinka danbe.
Ma jiraan ilaa iyo hadda wax gaadiid ah oo laga qabsaday ciidamada Alshabaab, waxayna horay u sii kaxaysteen dhamaanba gaadiidkii dagaalka iyo kii xamuulka ee dagmooyinka lagu diriray u joogay. Dhulka oo aad u biyaysan awgeed waxaa la socda oo baabuurta ooga saaraya dhiiqada gaari cagaf-cagaf ah.
Dhinaca kale, ciidamo tiro badan ayaa saaka ka gudbay Shabaax kuwaasi oo guluf ku ah magaalada Afmadow, ayadoo magaalada afaaf keeda hore ay difaac kaga jiraan ciidamadii magaalada ku sugnaa. Ma jiraan wax gurmad ah oo dhinacna uga yimid ciidamada Shabaabka ee ku sugan Afmadow, sidoo kalana ma jiraan wax dhinaca Afmadow u baxay oo gaaray ciidamadii Alshabaab ee lagaga adkaaday dirirta. Waxay dhamaanba ciidamadaasi u jihaysteen oo cagta saareen jidka Qooqaani uga baxa Kismaayo.
Waxaa Afmadow ka jirta cabsi dhinaca shacabka ah oo ay ka baqayaan in ama magaalada la duqeeyo oo sidaasi ay ugu burburto hanti badan isla markaana ku waxyeeloobaan shacab badan ama lagu dhex diriro magaalada.
Saacad kasta waxaa la filan karaa inuu dagaal ka qarxo aagga Cag-libaax, ayadoo ilaa caawa ama bari la filan karo inuu dagaal ka qarxo Afmadow. Kismaayo waxaa laga dareemayaa saamaynta dagaalada waxaana ka jira dhiilo colaadeed.
Maamulka Kismaayo ayaa isku dayaya inay gurmad la gaaraan ciidamadooda ku soo jabay Qooqaani si ay ugu noqoto mooraal dhis iyo niyad dajin laakiin cagabadaha ugu badan ee hortaagan ayaa ah sidii gurmad wax ku ool ah loo marin lahaa jidka dheer oo biyaysan.
Wararka hadda nada soo gaadhaya Magaalada afmadow ayaa xaqiijinaya inay Ciidamdaii Alshabaab isaga baxeen magaalada iyagoo u jihaystay dhinaca Magaalada Kismaayo waxaanay dhamaan la baxeen wixii hub iyo saanad u yiilay Magaaladaas waxa kale oo dadka deegaanku sheegayaan inay arkayaeen Gadiidka Xamuulka qaada ee alshabaab oo ay daba socdaan cagf cagafyo hadii dhiiqada galaan ka saaraya
Afmadow waa magaalo istaraatiji ah waxanay isku xidha Gobolada Jubada Hoose Iyo Jubada dhexe waxaana ka baxa laba wado oo midi aado dhinaca Bu,aale halka ta kalen aado Kismaayo waxaanay talaabadani noqonaysaa mid tusinaysa in awoodii Alshabaab ee gobolada jubooyinku faraha kasii baxayso
Maakhir Media Muqdisho
