Nabadgelyada Carrurta Hadii aad Dhashay Iyo Haddii Kaleba
Maqaal(MMedia) Haddii aad leedahay carruur yaryar oo guriga kugula nool ama ay jiraan carruuro aad deris tihiin ama qaraabo oo gurigaaga soo booqda, waxaa loo baahan yahay inaad aad uga taxadertid nabadgelyadooda.
talooyinka hoos ku xusan waxa aan u soo jeedinayaa waalidiinta gaar ahaan hooyooyinka oo iyagu uga ilfuran aabaha xagga caruurta amaba inta badan ka ag dhow carruurta yaryar.
Caruurta oo ka mid ah nimcooyinka rabbi inagu galladasytay una baahan in looga shukriyo, xuquuqdoodana la ilaaliyo ayaa waxaa dhacda in badan in ubad badni ay u nafwaayaan hagrasho ama xil iska saarid la’aan waxyaabo haddii hoos loo eegi lahaa ay sahlanaan lahayd ka hor tageedu.
Carruurta dabeecaddooda ayaa iska ah mid jecel in ay waxwalba ogaadaan ama ka war doonaan(curious by nature), xilligii ay doonaan ayey wax kharribi karaan meeshii ay doonaanna wax way ka kharribi karaan iyagoon cidina ogayn.
Waxa lagaaga baahan yahay in aad iska ilaalisid in aad gurigaaga ku qarisid waxyaabo khatar ah ama aad meel dayacan dhigtid, Ilmahaagu waa hubaal in uu helayo si kasta ha ku ogaadee, miyaanay marmar dhicin in shey aad ka quusatay oo guriga kaaga dhex lumay, oo aad in badan raadineysey markii dambena aad ka samirtay aad cishadii dambe aragtay cunugaagii yaraa oo ku ciyaaraya, bal adigu sheeg meeshuu ka keenay!!!!!!. Waayo caruurtu waxa ay dabeecad u leeyihiin in ay galaan meel kasta oo guriga ka mid ah kamana wahsadaan sida dadka waayeyn, sariiraha hoostooda, miisaska hoostooda , talaagadaha(refrigerators), kabadhada oo ayba dhex galaan, qolalka xaga hoose guriga ku yaal (basements) oo ay iska galaan iyagoo cidiba ogayn lagan ayaabo in dusha lagaga soo xidho oo lagu illaawo.
Warbixin uu soo saaray urur ka jira carriga maraykanka oo la yiraahdo ololaha qaranka ee badbaadada carruurta ( National Safe Kids Campaign) waxa uu ku sheegay in sannadkii 1997 ay carruur gaaraysa 2400 u dhinteen Wadanka Maraykanka keliya, shilal kala duwan oo isugu jira: Siibasho(slippery), soo dhicid(falls), Gubasho(burns), Drowning(hafasho), neef qabad(suffocation), Sumow(poisoning).
Waxa kale oo ay warbixintu sheegtay in sannad walba celcelis ahaan ay 2,000,000 ilme ku dhaawacmaan guryaha dhexdooda, adduunka oo dhan.
Ayaan darradaa sannad walba dhacda waddan walbana ka dhacda guri walbana ka dhacda waa wax la yarayn karo haddii la raaco talooyinka munaasibka ah ee arrintaa wax lagaga qaban karayo.
Aan milicsanno qaar ka mid ah sababaha keeni kara shil ka dhaca guriga dhexdiisa oo carruurtu samayso iyo sida uu waalidku u baajin karo ama uga tabaabulshaysan karo.
Waxa jira meelo badan oo guriga ka mid ah oo ilmuhu ka soo dhici karo, ama waxyaabo inta uu tiigsado isaga dusha kaga soo dhici kara.
Carruurtu waxa ay ku dhaawacmi karaan iyaga oo dusha iskaga soo rida sariir ama saabaan(furniture) kale oo guriga yaal sida kabadh ama armaanjo, miis, kursi, iwm, sagxadda guriga oo uu ku siibto/simbiriirixdo, jaranjarooyinka oo uu ku kufo iyo daaqadaha oo uu dibadda uga dhaco, iyo simbiriirixashada ugu badan oo ka dhacda suuliga(toilet) dhexdiisa.
Sidee uga hortegi kartaa halis ku timaadda cunuggaaga.
Isku day in aad wixii aad kari katid ka fulisid talooyinkan soo socda si uu ilmahaaga oo ah beerkaagu uga nabad galo shilal badan oo ka dhaca guriga dhexdiisa, si aadan farta dhexda uga qaniinin goor ay xeedho iyo fandhaal kala dheceen.
1. Marna ha kaga tegin carruurta yaryar iyagoo keligood ah sariirta dusheeda, miisaska iyo saabaanka kale ee guriga yaal.
2. carruurta da’doodu u dhexaqyso 2-5 u samay sariirta ay ku hurdaan xayndaab(bed rails) ka ilaaliya in uu soo dhaco
3. . Aad u hubi in aad adkaysay suunka(safety belt) lagu adkeeyo carruurta yaryari marka ay ku fadhiyaan kuraasta dhulka ka sarraysa.
4. dhicitaan badan ayaa waxaa sababa kaarbeedada/ sijaadadda (rugs) dhulka la goglo oo la siibata gaar ahaan carruurta oo si aan nidaamsanayn ugu dul cararta ama ugu dul ciyaarta, gaar ahaan marxaladda socod baradka ay yihiin, haddii ay gurigaaga goglan yihiin kaarbeeddo ku dedaal in aad dhulka si fiican ugu adkaysid waana in aanay noqon qaar dushooda lagu siiban karo.
Waxa kale oo dhaawac badan ilmaha gaarsiiya marka ay turunturroodaan oo ay ku dhacaan kuraasta ama miisaska geeskooda oo badanaaba kaga beegma wejiga dhaawac xunna gaarsiiya.
si aad taa uga tabaysato waxaad isticmaashaa lingax ama dahaar ku wareegsan meelaha wax dhaawici kara ama birtu ku jirto sida ka muuqata sawirka hoose
- Carruurtu waxa ay jecel yihiin in ay ku cayaaraan jaranjarooyinka(stairs) waxana ka dhasha shilal badan oo keena in uu ilmuhu si xun u jabo ama u dhaawacmo, sidaa darteed ha u ogolaan carruurtaada in ay ku cayaaraan jaranjarooyinka gaar ahaan marka aad maqan tahay.
6. badanaaba waxa aad isticmaashaa albaabka(safety gates), loogu talo galay in aan jaranjarada la fuulin cid loo ogol yahay mooyiye cid kale, gaar ahaan haddii ay gurigaaga joogaan carruur aad u yaryar(babies), sida kuwa ku jira marxaladda gurguuradka ama socod baradka(toddlers).
7. ilmaha ku jira marxaladda socod baradka marka ay ku dhex jiraann gaariga yare e lagu socod baro ((baby walker), ka digtoonow in ay u dhowaadaan jaranjarada , ama ay banaanka guriga ula baxaan iyagoon cidi la socon, waxa dhici karta in uu wadada hore ee guriga ula taraaro oo markaa uu halis u noqdo in baabuur jiidho, amaba uu la qalibmo.
8. jaranjarada gurigaaga waa in ay mar walba ahaataa mid ka nadiif ah alaabo dul saran, alaabada la dhigo sallaanka ama jaranjarada la isticmaalayo waxa ay sababaan siibasho, turunturro, iyo kufitaan badan, sidoo kale jaranjarooyinka aan la dayac tirin ama gaboobaa waxa ay keenaan shilal badan ha ahaadeen kuwa gudaha guriga ku yaal ama kuwa ku yaal dibadda.
9. Ha kaga tegin carruurta aan garaadka fiican lahayn daaqadaha furan agtooda. Xidh daaqadaha ama qafil(lock) haddii ay yihiin kuwa carruurtu gaari karto.
10. ha kaga tegin cunug yar suuliga dhexdiisa, haddii uu is yiraahdo saxanka qobayska ku dul istaag waxa suurta gal ah in uu ku siibto oo ku cawarmo. Qolka qobayska (bathroom) u isticmaal sijaadada loogu talo galay ee ka ilaalisa siibashada(slip proof bath mat).
11. Carruurta yaryari waxa ay inta badan ku dhaawacmaan marka ay damcaan in ay furaan jiidjiidyada kabadhada ama sariiraha hoostooda ku rakiban, ku dedaal in ay khaanadaha qolkaaga iyo qolka caruurtuba xidhan yihiin.
12. xaalad kasta oo jirta, duruuf kasta oo kugu timaadda marna ha ku fekerin in aad ilmahaaga yar isaga oo keligiis ah guriga dusha kaga xidhtid isagoo hurda iyo isagoo soo jeedaba , xitaa haddii aad muddo yar ka maqnaanaysid.
13. haddii guriga aad degan tahay uu yahay mid sare ama dabaqyada dhaadheer , iska hubi balakoonka(balacony), deyrka(rails) ama biraha ku wareegsan balakoonku waa in ay yihiin kuwa u samaysan jog ama taagni ee aanay ahayn kuwa jiifa oo ay u sahlanaato in uu ilmaha yari koro ama kor u tafo dabadeedna ka duulo, eeg muuqaaldan,
Intaas ayaan ku soo gebagebaynaynaa qaybta koowaad ee halista caruurta ee guriga gudihiisa ka dhaci karta.
La soco qaybta labaad oo aan kaga hadli doonno Dabka , Sumowga, Hafashada, Korontada, iyo neefqabadka, oo intuba ah cadow caruurta soo weerara laakiin aan laga digtoonayn.
WQ. C/rasaaq Cali Maxamed
Kuwait
Samakaab7@gmail.com
Maakhir Media Network
