|

Ururka Dhalinyarada Iyo Shaqaalaha Somaliland Ee RAYS Ayaa Maanta Looga Dhawaaqay Magaalada Hargaysa

Munaasibad balaadhan oo si heersare ah loo soo agaasimay isla markaana  lagu furayey  urur siyaasadeedka  dhalinyarada iyo shaqaalaha Somaliland ee rays oo looga dhawaaqay magaalada hargaysa ayaa maanta lagu qabtay hotel  maansoor.

Xaflada ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin tiro badan oo isugu jiray siyaasiyiin.aqoonyahan,xildhibaano,qurbajoog,haween,dhalinyaro iyo martisharaf kale oo badan

Ugu horeyna waxaa munaasibada ka hadlay Boqor raabi yuusuf oo tilmaamay in ururadii hore ay ka carari jireen madax dhaqameedka isla markaana ururkani cusub ee rays uu yahay mid soo marti qaaday odaydhaqameedkii dadka hogaanka u hayey sidoo kalena

Suldaan carab ayaa isna sheegay in uu ururkani ka madhan yahay waxa uu ugu yeedhay qabyaalada isla markaana uu yahay mid ay dhalinyarada ,haweenka,iyo odaydhaqameedka u siman yihiin ururkani dhalinyarada iyo shaqaalaha Somaliland ee rays

Maxamed aadan siidhi oo isna ku hadlayey afka dhalinyarada kazoo qayb gashay munaasibada furitaanka urur siyaasadeedkani ayaa ugu horeynba ka dhawaajiyey inay dhalinyaradu ay soo bandhigaan rayigooda isla markaana ay doontaan qaybtooda

Xasan axamed xuseen bulbul oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee somaliland ayaa isna sheegay inuu ka mid yahay dadkii inta badan sugayey sidii loo furi lahaa ururkan cusub isla markaana aanu aaminin waxa ay dadku isku maaweeliyaan ee ay ka mid tahay qabyaalada dhalinyaradana waxaa uu kula dardaarmay inay xisaabtamaan oo aayahooda ka tashadaan

Xildhibaan Axmed dirir oo isna ka mid ah golaha guurtida Somaliland ayaa farta ku fiiqay inaanay maanta Somaliland ugu horeyn urur siyaasadeed ay dhalinyarada Somaliland leeyihiin waxaana uu kula dardaarmay inaanay dhalinyaradu waxbarasho u doonan meelaha ay naftoodu ku haligmi karto

Xuseen nageeye oo ka mid ah qurbajooga Somaliland ayaa sheegay inay xisbiyada wadanka ay muhiim tahay inay kala duwanaadaan dhalinyaradana waxaan u soo jeedinayaa inay ogaadaan inay leeyihiin  xisbigani dhalinyarada iyo shaqaalaha Somaliland ee rays

Mujaahid cali guray ayaa isna sheegay inay maanta farxad gaar ah u ka soo qayb galay isla markaana waxaa uu ka dhawaajiyey macnaha ereyga siyaasad oo uu ku sifeeyey inay been iyo khiyaamo sidoo kalena wuxuu intaasi ku daray in look ala siyaasisan yahay sida look ala been badan yahay madaxweynaha dalkana waxaa uu ku amaanay dimoqraadiyada uu sameeyey

Dr axmed xuseen ciise  waxaa mahad aad u balaadhan u soo jediyey gudoomiyaha urur siyaasadeedka cusub ee dhalinyarada iyo shaqaalaha Somaliland  rays mud.xasan isla waxaana uu intaasi ku daray inay is garab taagi doonaan

Ugu danbayntiina waxaa munaasibadani soo gunaanaday gudoomiyaha urur siyaasadeedkani cusub ee dhalinyarada iyo shaqaalaha Somaliland kana soo sheekeeyey waxyaabaha iyo siyaasada cad ee ururkani oo ay ka mid yhiin

Maxamed Aadan Dirir

Maakhir Media Hargaysa

 

Comments are closed