Dowladda Eritrea”Somaliya waxaan gaynaynaa Gargaar”
Dowladda Eritrea ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay gar gaar bani’aadanimo oo deg deg ah gaar siineyso shacabka Soomaaliyeed ee ay daashadeen abaraha iyo colaadaha isbiirsaday ee ku nool dalka Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Cali Cabdow ayaa sheegay in dowladda Eritrea ay haatan ku howlantahay sidii ay kaalmo bani’aadanimo u gaar siin laheyd daka ay abaaruhu affeyeen eek u nool dalka Soomaaliya.
Mr. Cabdow ayaa intaa ku daray in dowladda Eritrea ay sii wadayso gargaarka ay siinayso shacabka Soomaailyeed ee la daalaa dhacaayo abaaraha iyo colaadaha isbiirsadayb ee ku dhaqan Soomaaliya, isagoo beesha caalamka ugu baaqay in xalka Soomaaliya u daayaan shacabka Soomaaliyeed lagana joojiyo faragalinta Shisheeye.
Dowladda Eritrea ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay inay caawiso, islaamiyiinta ka dagaalama Soomaaliya, balse eedeymahaas way iska diiday, iyadoo mar walba sheegi jirtay in Soomaaliya ay ka dagi la’dahay faragelinnada shisheeye.
Cali Cabdow ayaa sheegay in xalka nabadda Soomaaliya uu ku xiran yahay inay kawada hadlaan dhammaan maamullada jira Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Somaliland, Puntland, Galmudug iyo dhamaan maamul goboleedyada ka dhisan dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in sida ugu wanaagsan ee Soomaaliya ay nabad ku noqon karto ay tahay inay dadkeedu xal gaaraan.
Hadalkaan ka soo yeeray wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Cali Cabdow ayaa imaanyo xilli boqolaa kun oo Soomaali ah oo isugu jirta qaxooti iyo barakacayaal ay haatan la tiicayaan gaajo iyo nafaqo darri aad u baahsan, iyadoo dhinaca kale wadamada deeq bixiyayaasha ay ku howlanyihiin sidii ay u badbaadin la haayeen shacabka Soomaaliyeed ee ay aafeeyeen gaajada, naafaqo darrida iyo macluusha aadka u daran ee ay reebtay abaaraha xooggan ee ku dhuftay qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya
Source:voa english
Maakhir Media
