Raysal wasaare Abdiwali oo ka hadlay Sidii loo wiiqay Awoodahihi Shabaab
R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Welli Maxamed Cali oo waraysi gaar ah xafiiskiisa ku siiqayay warbaahinta qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in laga adkaaday kooxda Al-Shabaab oo aysan xiligaani jirin awood ay ku sii wado dagaallada.
Waxa uu tilmaamay in Sbabaab dagaalla tooska ah looga adkaaday islamarkaana awooddooda ay ku soo koobmatay in ay dhibaateen shacabka oo ay taargad ka dhigtaan arday, xildhibaanada qaranka iyo cid walba oo dhiiga Soomaali uu ku jiro.
R/wasaaraha Xuukumadda ayaa sheegay in loo baahan in loo istaago sidii loo waji lahana nabad, isagoo sheegay in kooxda Shabaab ay tahay cadowga Soomaaliya waxa uuna ugu baaqay Shacabka in ay meel uga soo waa jeestaan si loo bad baadiyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.
Waxa uu tibaaxay R/wasaaraha in ay taargad gareeyaan Khawaarijta carruurta oo markii hore dhibaato iyo dagaallo wax lagu soo baray in arrintaasina ay muujineyo cadowtunimada Shabaab ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Maakhir Media Muqdisho
