M/Galmudug Mr Caalin”Waa in haaydaha caalmaiga ah ay Gar gaar la soo gaadhaan dadka tabaalaysan
Madaxweynaha maamulka Galmudud Maxamed Axmed Caallin oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa ka dalbaday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada aduunka ee WFP in ay si deg deg ah u qaybiso raashiinka ku kaydsan bakhaarada, islamarkaana ay ugu gargaarto dadka tabaaleysan ee ay abaaruhu saameeyeen ee ku sugan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Madaxweyne Caalin ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo ku soo barakacay gobolka Mudug hay’addaha qaarna raashiinka ay ugu jiraan bakhaarada taasina maamulka uusan ogollaan doonin, waxaana uu ka digay in iyadoo ay raashin ku jiraan bakhaaro ku yaala deegaannada ay maamulkaasi ka taliyaan aan la ogolaan doonin in dadku ay sii baahdaan.
Waxa uu carabaabay madaxweynaha maamulka Galmudug in hay’adda WFP ay ka jawaabto baahida shacabka tabaaleysan ee ku sugan Mudug maamulkuna uu la shaqeen doono cid walbo oo gacan siineysa dadka barakacayaasha ah.
Maakhir Media Galkacayo
