|

Kenya oo sheegtay in kooxaha burcadda ay kula dagaalamayso gudaha Soomaaliya

Wasiirka amniga ee dalka Kenya  George Saitoti ayaa  maanta sheegay in ciidamadooda ay mari doonaan jidkii ay ka gudbeen afduubayaashaasi islamarkaana u gudaha u soo geli doonaan Soomaaliya, si ay u baacsadaan kooxihii soo afduubtay dhaqaatiirta dalka Spain u dhashay  ayna uga daba tegi doonaan meel kasta ay la galan gabdhahaasi u shaqeynayay hay’ada MSF Spain.

“ciidamadeeda ay  soo geli doonaan gudaha dhulka Soomaaliya si ay gacanta ugu soo dhigaan kooxda afduubtay labada haween ee hay’ada MSF Spain ka tirsanaa”
George Saitoti waxaa kaloo uu intaa ku dray in kooxaha afduubka geystay ay yihiin koox xiriir la leh  ururka Al-Shabaab.

“Ciidamadeena difaaca waxa ay gudaha Soomaaliya kula dagaalami doonaan kooxaha afduubka iyo dhibaatada u geysata dalxiisayaasha ajaanibta ah ee ku sugan magaalo xeebeedyada u dhaw xadka Soomaaliya, mana u dulqaadan doono falalka noocaasi oo kale ah” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka difaaca ee kenya

Bishan Octoobar oo keliya waxaa xerayaha  qaxootiga Kenya oo ku yaal bariga dalkaasi laga afduub afar ajanib ah oo ay ku jiraan labadii gabdhood oo laga soo afduubay khamiistii tagtay.

Maakhir Media Nairobi

Comments are closed