|

Ciidamada Kenya oo helay gaarigii lagu soo afduubtay dhaqaatiir Spain ah

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo faro badan iyo lix diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah ay u soo dirtay xadka dalkaasi uu la wadaago dalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ciidamadu ay heleen oo kaliya gaariigii lagu soo qafaashay labo dhaqaatiir oo dalka Spain u dhashay kuwaasi oo howlo samafal ah ka waday xareda ugu weyn ee ay Qaxootiga Soomaaliyeed ku jiraan ee lagu magaaco Dhabaab ee Kenya ku taala, waxaana gaariga laga helay meel 30 km u jirta xadduuda Soomaaliya ay la wadaagto Kenya.

Kooxaha soo afduubtay labadaasi haweeney ee Spain u dhashay ayaa waxa ay sidoo kale dhaawac u geysteen wadihii gaariga oo u dhashay dalka Kenya, waxaana la shaaciyey in dadkaasi ay la soo galeen xadka Soomaaliya.

Waa afduubkii sedexaad ee laga geysto gudaha dalka Kenya, waxaana 1-dii bishaan October jaziirada Lamu laga soo afduubtay haweeney da’ah oo u dhalatay dalka Faransiiska, iyadoo bartamihii bishii September ee isla sanadkan gudaha Kenya laga soo qafashay Judith Tebbutt oo dalka ingiriiska u dhalatay, waxaana halkaasi lagu dilay seygeeda oo la oran joray David Tebbutt.

Source:SONNA

Maakhir Media Network

Comments are closed